Wasiirka Ganacsiga oo Daahfuray Shirka Wadaageyaasha Dhaqaalaha

0
571

Hargeysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa shalay magaaladda Hargeysa ka furay shirka wadatashiga dhaqaalaha “Economic Sector Coordination Meeting” (ESCOM).

Kaasoo ah shir ay saddexdii bilood ba mar soo qaban qaabiso wasaaraddsa ganacsigu, isla markaana lagaga arrinsado xaaladda dhaqaale ee dalka kolba heerka ay marayso.

Lagu-na falan qeeyo xaaladaha dhaqaale ee u baahan in kor loo qaado. Waxaana qayb ka ahaa, waaxyaha horumarinta dhaqaalaha ee dawladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha daneeya hanaanka koboca dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxaa shirkani oo lagu lafo guro meelaha u baahan in wax laga qabto, isla markaana kor loogu qaado.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay, wasaaraddaha maaliyadda, maal-gashiga, qorshaynta qaranka, baanka dhexe, qaar ka mida ganacsatadda iyo hay’adaha daneeyeyaasha dhaqaalaha.

Waxaanay dhamaantood halkaas ka soo jeediyeen afkaar kala duwan oo nuxurkoodu ku qotomay sidii loo horuumarin lahaa dhaqaalaha dalka.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madashadii lagu daahfurayay shirka wadaagayaasha dhaqaalaha.

Waxaanu yidhi “Shir waala qaban karaa. Laakiin se, shirku waa inuu noqdaa mid qorshaysan, waana in uu ajandeyaal yeeshaa. Ajandayaashii isagoo leh haddii aan dabagal la samayn, oo fulintiisii ay dayacnaato, waxba ma hagaagayaan.

Shirkan wadaageyaasha dhaqaaluhu waxa uu kulminayaa dawladii iyo ganacsatadii, waana labada mishiin ee dhaqaajiya dhaqaalaha. Dhaqalaaha wadanka na waala qiyaasa oo waxaa la yidhaahdaa halkeen maanta joognaa?

Maxaan rabnaa? Maxaan se ku gaadhi karnaa? Halkeen u baahan nahay inaan gaadhno? Maxaan u baanahay in aan wax ku gaadhno? Taasina waxay ku timaada wadatashi waayo? waxaa weeyaan ganacsataddu waa mishiinka horumarka dhaqdhaqaajiya.

Marar hore oo badan ayaynu isku nimid, hase ahaate waxaa mihiima in isu-imaatinkeena ay midho ka soo baxaan”.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply