Maayarka Berbera oo Sheegay in Dadka Ajaanibka ah ay Ka Saarayaan Magaaladda

0
493

Hargeysa (Dawan): Duqa Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, ayaa sheegay in magaalada ay ka masaafurinayaaan qofkastoo haya shaqo uu qaban karo qof muwaadin ah.

Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay dhaawaca loo gaystay qaar ka mida shaqaalaha ajaanibta ah ee ka hawlgala dhismeyaasha gudaha magaaladda Berbera.

Cabdishakuur Maxamuud Cidin, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhab ahaantii waakii madaxweynaha qaranka Somaliland amar ku bixiyay shaqa kastoo qof mu’waadin ahi qaban karo in aanu qof Ajaanib ahi qaban Karin.

Haddii aanu maamulkii nahay na waanu ka shaqaysiinaynaa arrintaasi. Balana waxaanu ku qaadaynaa in shaqo qof muwaadin ahi qaban karo aanu qof Ajaanib ahi qaban Karin, oo aanu dalka ka masaafurinayno dadka Ajaanibta ah ee haya shaqo uu qaban karo qof muwaadin ah”.

Waxa kaloo uu tilmaamay in ay aad uga xun yihiin dhaawacyada loo gaystay qaar ka mida ajaanibta ka hawlgala gudaha magaaladaasi.

Waxaanu yidhi “Ka maamul ahaan waxaanu aad uga xunahay iyadda oo magaalada Berberi kor u socoto, ahna meesha keliya ee qarankani dhaqaalihiisu ku nool yahay, kuna soo hiranayaan imika dadka maalgashadayaashu in hawshani ay dhacdo, talaabo adag ayaanu ka qaadi doonaa cidkasta oo nabadgeliyada gobolka khal-khal gelinaysa”.

Waxaanu intaas raaciyay” Waxaanu bulshada ugu baaqaynaa inay is dejiyaan anigu maayarkii ay doorteen ayaan ahay xafiiskeyga ha yimaadeen.

Waxaanay leeyihiin iskaashatooyin aanu u samaynay, taasoo ku dhisan nidaam sharci. Markaa haddii uu yidhaaho sharcigan ku doodaya marna gacantaan isticmaalaya ma shaqaynayso” ayuu yidhi Duqa degmadda Berbera.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply