Jamhuuriyadda Somaliland oo Qabsatay Ciwaannada Warbaahinta Caalamka

0
449

Hargeysa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 24-kii saacadood ee u dambeeyey qabsatay ciwaannada Warbaahinta caalamka oo si weyn u qaadaa dhigay dedaalka ay Somaliland ugu jirto qaddiyadeedda aqoonsi raadinta.

Waxa Saxaafadda caalamiga ahi soo bandhigeen in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi sidii loogu soo dhaweeyey Magaalada Conakry ee dalka Jamhuuriyadda Guinea bayaamisay in Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi lagu qaabiley meeqaamkii u sarreeyey, isla markaana diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo lagaga qaaday Madaarka lagu geeyey xarunta Madaxtooyadda, halkaasi oo labada madaxweyne kulan ku yeesheen.

K24 TV ayaa socdaalka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku fasiray “Tallaabo ay Somaliland hore ug qaaday dedaalkeeda aqoonsi raadinta.” Waxaanu Telefishanku uu ku sifeeyey Soomaaliya inay ka hinaastay dhaqdhaqaaqyada ictiraaf raadinta Somaliland ay gaadhsiisay dalalka la jaarka ah iyo Afrika.

Wargeysyada caanka ah ee Washigton Post, Daily Nation iyo Warsidaha African News ayaa baahiyey in tallaabada ay Soomaaliya ku dooday inay cilaaqaadkii u jartay Guinea ay ka dhalatay markii Madaxweyne Muuse Biixi loogu soo dhaweeyey meeqaan qaranimo dalka Guinea oo uu ku tagay martiqaad uu ka helay Madaxweyne Alpha Conde.

Warbaahinta caalamiga ahi waxay qireen in Somaliland ay horeba xidhiidh la lahayd dalal badan oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo dalalka Yurub qaarkood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Xukuumadda Farmaajo ku macneeyey mid llaalo u baahan oo aan wax yeeli karin Somaliland iyo dalalka kale ee ay xidhiidhka diblomaasiyadeed la sameynaysaba.

Dhinaca kale, wakaalada wararka AfricaNews oo warbixin dheer ka qortay bayaan jamhuuriyada Somaliland u dirtay beesha caalamka, waxaanay sheegtay “Saacado gudahood, ka dib markii Soomaaliya u jartay dhamaan xidhiidhadii dublamaasiyadeed dalka Guinea, Somaliland, oo booqashadooda Conakry abuurtay cadhada, ayaa kaga jawaabtay dalab ay beesha caalamka kaga codsanayso aqoonsi caalami ah.

Somaliland ayaa caalamka ugu baaqday inay diyaar u tahay wada xaajood dhexmara Soomaaliya, oo lagu qaabaynayo sida xidhiidhkooda mustaqbal noqon doono, balse taasi aanay diyaar u ahayn Soomaaliya, markhaatina u tahay ka baaqashadii kulankii Kenya.”

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay marwalba muujisay siday ugu diyaar tahay wada xaajood furan oo ku dhexmara maamulka Muqdisho (Xamar) fagaare caalami ah, balse ka baaqashadoodii Soomaaliya ee kulankii u dambeeyey ee Kenya, oo beesha caalamku goobjoog ahayd ayaa muujinaya dareenkooda diidmada,” ayay tidhi wakaalada wararka ee AfricaNews.

Dhinaca kale, Kulan ay yeesheen golaha wasiirrada Somaliland June 4-deedii oo uu gudoominayey Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Md Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Seylici, ayaa si weyn looga digay dibindaabyada iyo dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah xukuumadda iyo shacabka Somaliland.

“Waxaan halkan ku soo jeedineynaa digniin xooggan oo ku aadan maamulka Muqdisho, oo mudooyinkan dambe caado ka dhigtay talaabooyin joogto ah oo ka dhan ah shacabka Somaliland, isla markaana muujinaya cadaawad qoto dheer iyo cadowtinimo uga soo horjeedo dadka reer Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply