WEEDHA WARGEYSKA Cadaawadda Fog ee Somaaliya Ka Qabto Maqalka Magaca JSL

0
484

Madaxda sare ee Muqdisho lagu ilaaliyaa, waxa ay mar kasta oo shicibku ka qancaan nidaamkooda ku saleysan musuqa iyo boobka deeqaha lagu caawiyo dadka masaakiinta ah, ayaa waxa caado u ah si ay ugu sii negaadaan kuraasta, inay isku sawiraan Jamhuuriyadda Somaliland si ay ugu jilaan shacbiga Muqdisho Waddaniyiin heegan u ah midnimo ay iyagiiba ku kala yaaceen.

Haddii ay dhab ka tahay Waddaninimada ay metalayaan, maxay u iibiyeen qeybo ka mid ah Baddii ka dhaxeysay dadkii ku hoos jiray gumeysigii Talyaaniga? Ta kale Madaxda Waddani beenaalayaasha ee Muqdisho maxay Dekedaha Kismaayo iyo Boosaaso uga dhigeen kuwa ay dakhligooda u madaxbannaan yihiin beelaha hareera dega, ta dakhliga Dekedda Muqdisho-na ka dhigay mid la wada leeyahay oo weliba laga badsado?

Far-maajo markuu dhallinyarada ahaa waxyaabihii uu ka geystay Muqdisho waa la hayaa oo waa joogaan oo nool yihiin dadkii ay isku kacaanka ahaa, maantana waxa uu ka sameynayo gudaha Muqdisho oo ah meesha qudha ee uu ku amar ku-taagleeyo ee uu ku laayo, sida Korneylkii Saraakiishiisu dileen ee haddana wuu uu isdaldalay ay yidhaahdeen iyo sida uu shacbiga Muqdisho dhallinyaro, hooyooyin, waayeel iyo waxgaradkeediiba ugu gumeeyey, isagoo ku khiyaanaya magaca hoosiis ah oo uu Far-maajo ugu yeedho midnimada qarnimda Somaaliya.

Si ay ugu hirgasho siyaasaddaasi waxa uu had iyo jeer isku mashquuliyaa oo uu kharash badan ku bixiyaa si kasta oo loo khalkhal gelin karo xasiloonida iyo deganaanshaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku soo hubeeya Maleeshiyaad laga soo abaabulo Maamul Goboleedka Majeerteeniya iyo siduu iskaga horkeeni lahaa beelaha reer Somaliland. Haseyeeshee waxaas oo mu’aamaraad ah oo Far-maajo soo maleegay illaa haddana aanu ka daalin way wada guuldarreysteen, kuwa dembena jab la mida kuwii hore ayey la kulmi doonaan.

Waxa ay u joogaan Far-maajo iyo saaxiibkiisa ay xididka yihiin ee kheyr-laawe, maaha dan ummadeed ee waa dan iyaga u gaara oo falsafaddeedu tahay, si kastaba kaga xoogso xoolo aad dhaqatide, shacbiga Muqdisho-na qoorta iskugu sudh si ay iyagu iskugu mashquulaan, kuna jahee oo ku celceli weedha gabbalkeed dumay ee ah (Midnimadu waa muqaddas) oo sida dadka reer Muqdisho qaarkood ka muuqata ay rumeysteen, waayo waxaad arkaysaa qaar kaga daba hadaaqaya xagga Warbaahinta bulshada mar kasta oo Far-maajo adeegsado weedhaa beer-laxawsiga ee Midnimada, iyadoo ay sii kala furfuratayba tii uu gacanta ku hayey oo ay gaadhay heer Maamul-goboleedyadiisii kala dhaqaaqeen.

Golayaasha iyo masraxyada siyaasadda Xamar ee gambadhada layskugu soo fadhiisto, ayaa waxa uu dhawr jeer Far-maajo kaga faanay inuu ka soo xidhay Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan albaabadii ay ka geli jireen dunida ee dhinaca diblomaasiyadda, isagoo markaa u duur-xulayey Itoobiya, balse taasina waxa ay ku beenowday markii uu Madaxweyne Muuse Biixi booqashada rasmiga ku tegay dalkaasi.

Arrimo badan oo ka mida siyaasadaha gambadhka ee uu ku jahawareeriyey reer Muqdisho waxa ka mid ahaa, tii Kiiniya iyo Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinaca xidhiidhka diblomaasiyadda oo iyana dhammaan rasaastii uu u adeegsaday ka noqoshadeeda noqotay rasaas dheemij ah, waxayna tallaabadii uu qaaday ku dembeysay inuu dib u baryo dalka Kiiniya, si loo caadiyeeyo xidhiidhkooda.

Ma soo koobi karno oo waa tiro badan yihiin raad-gurka Far-maajo ee Somaliland oo waa kii xataa isku dayey inuu ka joojiyo dhammaan kaalmooyinka bulshada Caalamka, balse si cad loogu sheegay inaan Somaliland waxba loo soo marineyn Maamulkiisa, sidaas oo ay tahay haddana weli waxa uu ka daba ciyayaa meel allaale meesha uu ka uriyo raad Somaliland ah, waxana ugu dembeeyey tan uu sheegay inuu xidhiidhka ugu jaray dalka Guinea oo ay booqasho ku tageen wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Qofka ama cidda kale ee dhiggaaga ah ee dafirsan inaad siman tihiin, waxa kugu khasab ah si aad u difaacato xuquuqdaada iyo karaamadaada in aad adiguna dhankaaga ka buriso wax kasta oo uu doonayo inuu ku helo sedbursiinyo. Sidaa darteed laga bilaabo hadda dib dembe looga maqli maayo qof Somalilander ah Xukuumad iyo shacbiba, in afkooda laga maqlo Walaalahayaga Soomaaliya, mar hadday cadaawaddu halkaa la gaadheyna suurtagal ma noqoneyso inaan isku soo horfadhiisano wada hadal, waayo cidda wada hadal ku heshiisa, waxa xaaraan ka ha in muddadaa wixii ka dembeeya la joojiyo dhammaan wixii afxumo iyo dagaal siyaasdeed ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply