Siyaasi Cali Maxamed Warancade Oo Baaq U Diray Dawladaha Taageera Maamulka Muqdisho, Shacabka Reer Somaliland-na Kula Dardaarmay Wada Jir.

0
496

Hargeysa(Dawan)Siyaasi Cali Maxamed Warancade  oo magaaladda Hargeysa warbaahinta kula hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay  hadal dhowaan kasoo yeedhay dawladda Taagta daran ee Somaliya , waxaanu hadalkaasi ku macneeyey mid muujinaaya cadaawadda ay dawladda Muqdisho iyo Fiila Somaliya ka talisaa u qabto shacabka reer Somaliland.

Cali Maxamed Warancade waxa uu fariin u diray bulshada reer Somaliland , isaga oo usoo jeediyey in ay meel uga soo wada jeestaan cadowga Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaasna cid kasta oo lidi ku ah ay ku eegaan indho isku mid ah.

Siyaasi Cali Maxamed Warancade waxa uu sheegay in ay Somaliya caddaysatay maanta in ay ka baydhay dariiqii wadahadalada oo ay u baydhay dariiq kale .

Ugu dambayna Siyaasi Cali Maxamed Warancade fariin u diray dawladdaha taageera dawladda Fila Somaliya ka Arrimisa , isaga oo ugu baaqay in aanay iyagu sabab u noqon dagaal dambe oo ka dhaca Geeska Afrika, kaas oo ay dad badani ku hoobtaan.

Leave a Reply