Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Soo Gaadhey Magaaladda Addis Ababa Ee Dalka Ethiopia.

0
428

Hargeysa(Dawan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey ee maalmihii u danbeeyey hawlaha shaqo ugu sugnaa Jamhuuriyadda Guinea Conakry ayaa ka soo kicitimay dalkaasi, soona gaadhay Caasimada Dalka Ethiopia ee Addis-ababa .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa  kulamo kala duwan la qaatay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Itoobiya, ahna guddoomiyaha xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Axmed Shide iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Leave a Reply