Garaad Jaamac oo Ka Hadlay Sida Xal Kama Dambays ah Looga Gaadhi Karo Colaadda Ceel-afweyn

0
403

Hargeysa (Dawan):- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland, isla markaana ka mid ahaa madaxdhaqameed juhdi badan galiyay nabadaynta beelaha walaalaha ah ee colaaddu ku dhex martay deegaanka Ceel-afwayn, ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid u baahan isu samir ka yimaadda dhanka labada beelood oo ah halka ay nabadu ka unkamayso.

Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in colaadda deegaankaas ka jirtaa ay sal ku leedahay wax siyaasad ah, waxaanu baaq u diray madaxdhaqameedka labada beelood oo uu u soo jeediyay in ay deg deg u tagaan halka colaaddu ka dhacday oo ay kala dhex galaan labada beelood.

Waxaanu sidaa ku sheegay Garaad Jaamac waraysi uu shalay siiyay Laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da. Ugu horrayn Garaadka oo ka hadlaya, arrintaasi ayaa yidhi. ”Anigu saddex kulan ayaan ka qeyb galay nabadaynta labadaa beelood ah, oo beelahaas in ay colaadaasi dhamaato goob joog aan ka ahaa, xukumaddihii kala danbeeyey tii Siilaanyo iyo tan Muuse Biixi, qeyb wayn oo laxaad leh ayay ka qaateen, markii ugu horraysayna nin la dilay ayay ka bilaabantay dadka noocaas ah ee isku qoyska ah colaadoodu dhibaato fara badan ayay keentaa, haddii aanu dhaqanka nahay, waanu isaga nimid Bari iyo Galbeed, xukumadduna tallaabadii ugu danbaysay ee lagu soo gabagabeeyay ee magihii lagu kala qaatay ee ay goob joogga ka ahaayeen culimada dalku, xaajadaas waxaan is lahayn way soo uruurtay waxaan islahayn way dhamaatay, deegaamadii markii aannu marnay si fiican ayaa nabaddii loo qaatay, marwalba waxa dhibaatada keenaya wa inan geel-jire ah”

Garaadka oo ka hadlayay halka ay salka ku hayso colaadda deeganka Ceelafweyn, ayaa yidhi. “Waxaa la yidhi cadka feedhaha ah ninkii xumaantiisa doonayaana xaga lafaha ayuu kaa tusaa, ninkii wanaagiisa doonayaana xagga jiidhka iyo baruurta ayuu kaa tusaa, markaa ninkii doonaya in uu siyaasadeeyo wuxuu leeyahay siyaasad weeye, waa laga dambeeyaa, ninkii wanaag doonayaana si lillaahiya ayuu u galaa, annagu wax siyaasad ah kumaanu arag arrintani deegaan ayay ka bilaabantay, oo magaalooyin baa la dudumiyay, magaalada la yidhaahdo Dogoble waa la dumiyay dhul fara badan ayaa la isku qabtay, waana wax dhacda oo Soomaalida oo dhan ka dhacda, markaa waa lagu kala samraa oo nabadda ayaa la qaataa mar haddaan lagu kala tegayn umana arko in halkaa ay siyaasadi lug ku leedahay, laakiin waxa meesha ku jiraa waxay tahay waa deegaankaas iyo dadkii xumaa oo hadda batay.”

Ugu dambayn waxaa uu ku taliyay Garaad Jaamac. ”Waxaan la wadaagi karaa oo xaqiiqa ah, labada odey dhaqameed ee beelaha dirirtu u dhaxayso ha tagaan goobta, ha kala dhex galaan iyada oo ciidamada dawladduna ay ku dhex jiraan, kadibna qeybaha kale ee odayashu goobta ha tagaan si loo maareeyo xaaladan.” ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply