Wasiirka Caafimaadka oo Sheegay in ay Buuxinayaan Adeegyaddii Caafimaad ee ay Bulshaddu Dalka Dibadiisa u Raadsan Jireen

0
478

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ah in cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ay bulshaddu ka hesho addeeg bixintii caafimaad ee ay dalka dibadiisa u doonan jireen.

Sidoo kale wasiir Cumar waxaa uu xusay in ka wasaaradda ahaan ay ka go’an tahay in adeegga caafimaad ee qofku helayaa aanu noqon mid dhibaato u horseeda.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdillaahi isaga oo ugu horreyna arrimahaasi si faahfaahsann uga hadlayayna waxaa uu yidhi “Dhakhaatiirta waa weyn oo kale waxaa qorshaha noogu jira in la tayeeyo, tayeyntaasi oo ah in qofkii dhakhtarka ahaa la tayeeyo ee darajada koowaad heystay, darajada labaad la gaadhsiiyo, kii talabaad heystayna loo sameeyo tababar joogta ah, islamarkaana aynu inagu qaban karno adeeg bixinta caafimaad ee ay bulshadu dalka dibadiisa ugu baxayaan, cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa halka lagu bilaabay waa qaybta sifeynta Kalyaha, waxaanu ka fikireynaa mustaqbalkana in qaybihii kale ee Wadnaha, Lafaha, Indhaha, kuwa Maskaxda inaynu hadba maalinba waxyar ku darno, in mustaqbalka waxyaabo badan oo dadkeenu dalka dibadiisa ugu safraan cisbitaalkeenu bixin karo”

Dhanka kale wasiir Cumar mar uu ka hadlayay goobaha caafimaad ee daawo dhaqameedka wax ku daweeya waxaa uu yidhi “Bulshada in badan ayaa daawo ka raadsaada daawo dhaqameed, inaga waxaa ina saaraan in la ogaado dadkaasi wa’ayo, dadkan dadka daweynaya waa ayo, habka ay raacayaan waa nooce, marka anagu ka wasaaradd ahaan in aanu xakameyn karno, ka masuuliyiin ahaan waxaa naga go’an in adeega caafimaad ee qofku helayaa aanu noqon mid dhibaato ugeysanaya”

“Waax dhan ayaa noo qaabilsan la socodka tayadda daawooyinka waana la tijaabiyaa, waxaana dhici karta in daawooyinku mararka qaar meelo kale ka soo geli karaan, taasi si loo hubiyana hay’addan dhawrista tayadu waxaa ay nagala shaqeysa in meelaha ay daawooyinku ka soo geli karaan ay si gaara isha ugu hayaan, inta ugu badana waxaa aanu ku dadaalnaa in daawooyinka imanaya aanay wax dhibaato ah bulshada u horseedin” Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdillaahi.

Leave a Reply