Hay’adda IOM Oo Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakaceyaasha Qaranka Somaliland Guddoonsiisay Qalab.

0
441

Hargeysa(Dawan)Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakaceyaasha Qaranka Somaliland  Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa qalab cusub oo lagu diwaangelinaayo xogta Barokaceyaasha  Somaliland kala wareegay hay’adda IOM.

Guddoomiye Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa sheegay in ay hay’adda Qaxoontiga iyo Barokaceyaasha Somaliland ay baahi weyn u qabtay qalabkan, ayna doonayaan in ay ku diwaangeliyaan dadka barokaceyaasha  ah ee ku sugan Somaliland.

Waxaanu guddoomiye Xinif uga mahadceliyey hay’adda IOM qalabkan ay ugu deeqday oo ay ha’adda Qaxoontiga iyo Barokaceyaasha Somaliland ku shaqayn doonto .

Qalabkan ay hay’adda IOM ku wareejisay guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barokaceyaasha Somaliland ayaa hore tabobar loogu siiyey qaar kamid ah shaqaalaha hay’addasi ee ku shaqayn doona qalabkan.

Leave a Reply