Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Muddoharaadkii Burco Ka Dhacay Iyo Khasaaraha Ciidamada Kasoo Gaadhey.

0
931

Burco(Dawan)Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ay weheliyaan Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi  iyo saraakiisha ciidamada Booliska ee gobolkaasi oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska badhasaabka gobolkaas ayaa ka warbixiyey xaaladda nabadgelyo ee magaaladda Burco.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer iyo taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay in talaabooyin laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in ay nabadgelyada waxyeelayso .

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed Fooxle oo ka hadlaayey dhibaato ciidamada Booliska qaar kamid ah kasoo gaadhey rabshado shalay ka dhacay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Burco ayaa sheegay in 26 askari oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo kale ay ku dhaawacmeen muddoharaadkaasi oo muddo kooban socday, waxaanu tilmaamay in ay ciidamadaasi dhaawacmeen iyaga oo ku dedaalaayey in ay amniga Sugaan.

Waxaanu Taliye Fooxle sheegay in ciidamadu ay ku guulaysteen in ay sugaan amaanka magaaladda Burco, iyada oo ay nafahoodii dhibaatooyin kasoo gaadhey, waxaanu u mahadceliyey ciidamada Booliska ee gobolka Togdheer iyo ciidamada Milatariygaba, isaga  oo  shacabka reer Burco ugu baaqay in ay ilaashadaan nabadgelyadooda.

Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse  Maxamed Cabdi ayaa usoo jeediyey shacabka magaaladda Burco  in ay ilaashadaan nabadgelyadooda oo aan lagu soo dhex dhuuman, waxaanu sheegay in ay ka xukuumad  ahaan talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay amaanka magaaladda Burco waxyeelayso , waxaanu uga mahadceliyey ciidamada Booliska iyo Milatariyga sidii ay uga qayb qaateen ilaalinta amniga magaaladda Burco.

Leave a Reply