Tababar Qoraalcurinta Toolmoon oo ka Furmay Xarunta Dhaqanka Hargeysa

0
506

Hargeysa (Dawan):- Xarunta Dhaqanka Hargeysa ayaa shalay looga bilaabay tababar la xidhiidha habka Qoraalcurinta Toolmoon arday tiradoodu gaadhayso boqol iyo labaatan wiilal iyo hablo ah.

Tababarka Qoraalcurinta Toolmoon oo sannad walba todobaad ka hor bilowga Bandhiga Caalamiga ee Buugaagta Hargeysa la qabto ayey casharo ka bixin doonaan macalimiin dalka gudahiisa iyo dibadiisa ka yimi.

Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Md Jaamac Muuse Jaamac oo bilowgii tababarka dardaaran la xidhiidha aqoonta ay baranayaan, iyo waxa laga sugayo gaadhitaankeeda ardayda u jeediyey ayaa u rajeeyey in aqoonta ay korodhsadaan noqoto mid anfacda naftooda, diintooda, dalkooda iyo dadkiisa. Ardaydan ayaa mudadda tababarku u socdo qaadan doona casharo ay ka mid yihiin:

Qaabqoraalka af Soomaaliga oo lagu baranayo hordhaca aqoonta afka, sugitaanka naxwaha, soohdinta ereyada, doorka shaqalka iyo shibbanaha iyo kuwooda labanlaabma.

Curinta Toolmoon oo lagu baranayo fikirka ka dhexeeya qoraalcurinta iyo qaybaha suugaanta, maansada iyo abla-ablaynteeda, riwaayadaha iyo qoraalkooda, jilidda filimada iyo qoraalkooda. Tiraabcurinta oo lagu baranayo shuruudaha qoraalcurinta iyo mabaadi’da qoraalcurinta, sheekada gaaban iyo habqoraalkeeda.

Warbaahinta iyo qoraalcurinta oo lagu baranayo mabaadi’da guud ee warbaahinta, anshaxa qoraalka saxaafadda iyo hababka qoraalcurinta warbaahinta.

Af Soomaaliga iyo farsamada cusub oo lagu baranayo agabka farsamada casriga ah iyo caqabadaha hor taagan af Soomaaliga, kaydka af Soomaaliga iyo abtirsiga ereyga.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply