Wasaaradda Boosaha Somaliland oo Hirgelisay Adeega Boosaha Dadweynaha

0
706

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Boosaha iyo Tignoolajiyadda Somaliland ayaa shaacisay in ay hirgelisay adeega boosaha caalamiga ah oo aan Somaliland ka jirin mudadda sodonka sanadood ku dhaw ee ay jirtay.

Agaasimaha waaxda Boosaha ee wasaaradda boosaha iyo tignoolajiyadda Somaliland ayaa sheegay in wixii adeeg booseed ah ee ay u baahan yihiin bulshadda reer Somaliland ay si toosa ugu soo hagaajin karaan waaxda boosaha ee wasaaradda boostadda.

Agaasimaha waaxda boosaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda boosaha ee Hargaysa, waxa uu tilmaamay in arrintani ay ka danbaysay dedaalo dheer oo ay wasaaradu u gashay sidii loo heli lahaa adeega boosaha.

Isagoo xusay in safar ay isaga iyo wasiirka boosuhu horaantii sanadkan ay ku tegeen dalka jamhuuriyadda Jabuuti in ay ku soo saxeexeen heshiis dhigayay sidii ay labadda dal isaga kaashan lahaayeen adeega boosaha.

“Haddii aanu nahay waaxda Boosaha ee wasaaradda boosaha iyo tignoolajiyadda, ee adeega boosaha laamaha dawladda iyo qaran kaba in aanu muddo ka soo shaqaynaynay, sidii loo bilaabi lahaa adeega boosaha dibadda la odhan jiray, oo runtii qaranku baahi badan u qabay.

Muddo sanad iyo dheeraad ah waxaanu aad uga shaqaynaynay wuxuu ahaa adeega gudaha, weliba laamaha dawladda oo keliya ayaanu ku ekayn” ayuu yidhi agaasimaha waaxda boosaha ee wasaaradda boosaha Somaliland.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Si aanu adeegaas u sii kobcino bishii saddexaad waxaanu safar ku tagnay aniga iyo wasiirka wasaaradan boosaha iyo tignoolajiyadda iyo agaasimaha waaxda Telekomta, wadanka Jabuuti.

Safarkaas wixii ugu muhiimsanaa ee nooga soo baxay wuxuu ahaa in aanu wadanka Jabuuti la soo saxeexanay heshiis qeexaya sidii loo wada shaqayn lahaa, ee adeega boosaha guduhu uga hirgeli lahaa Somaliland si heer caalami ah”.

Geesta kale agaasimaha waaxda boosaha ee wasaaradda boosaha waxa uu sheegay in laga bilaabo hadda wixii adeeg booseed ah ee ay u baahan yihiin bulshadda Somaliland lagu soo hagaajin karo waaxda boosaha ee wasaaradda boosaha, isla markaana wixii baahi adeeg boseed ah ee ay qabaan loo fulin doono.

“Somaliland mudadda sodonka sanadood ku dhaw ee ay jirtay ma jirin adeeg boosaha ah oo dibadda inooga yimaadda. Waxaynu ahayn nidaam xidhan marka la eego adeega booseed, adeegyadda daruuriga ah ee ay bulshadeenu ay qabtay oo dhan oo aanay meel loo soo mariyaa aanay jirin.

Hase yeeshee adeegaasi maanta ayuu inoo hirgalay. Waxaanan halkan ka shaacinaynaa, oo aanu doonaynaa in aanu ogaysiino dhamaanba dadka reer Somaliland meel kastoo ay ku nool yihiin, wixii adeeg booseed ah, ee dadkoodu ay u soo gudbinayaan, in lagu soo hagaajin karo waaxda boosaha ee wasaaradda boosaha iyo tignoolajiyadda” ayuu yidhi agaasimaha waaxda boosaha ee wasaaradda boosaha iyo tignoolajiyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply