Mashaariic Horumarineed oo laga Fuliyay Degmada Xagal ee Bariga Gobolka Saaxil

0
529

Xagal (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Timacade iyo duqa dawladda hoose ee Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, ayaa si wada jira xadhiga uga jaray mashaariico horumarineed oo laga hirgaliyay degmadda Xagal ee gobolka Saaxil.

Mashaariicaha kala duwan ee ay fulisay dawladda hoose ee degmadda Berbera ee laga hirgaliyay degmadda Xagal, ayaa kala ah dugsi sare, xarunta dhallaanka iyo hooyadda iyo biyo gelin sagaal km laga soo jiidey oo loo sameeyay bulshaweynta degmadda Xagal oo baahi weyn u qabay.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Timacade isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayay waxaa uu yidhi “Taasi waxaa ay ku ytimid gacmo wada jir ayay wax ku gooyaanta, marka wax laguu qabto adiguna waxaa la rabaa in aad sii siyaadsato oo aad horumar ka gaadho, oo aad ilaashato. Anagu mar walba waanu jecelnahay in dadkayaga wax loo qabto oo halkaasi leydinku yimaado ee qofka Berbera jooga uu ku fikirayo dadkiisa halkaasi jooga inuu ugu yimaado oo xaaladd kasta oo ku sugan yahay ku xisaabtamo, arrintaasi waa wax weyn oo Illaahay loogu mahadino.”

Duqa dawladda hoose ee degmadda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa isna dhankiisa ka warramay waxtarka mashaariicaha degmadani laga hirgaliyay waxaanu yidhi “Xannaanaddu waxaa ay kaga duwan tahay adeegyada kale, 24-ka saacadood Hooyadda iyo Dhallaanka, Hooyadda iyo Ilmaha, ayay u adeegta, Hooyaddu saacadda ay umuleyso lama yaqaano, marka waxay ay u baahan tahay rug ay ku umusho dawana ay ka hesho. marka waxa aynu ka carareynay waa la dhisi karaa, laakiin sidee loo maamulayaa, yaa dawada keenaya? maxaa lagu soo qaadayaa? Shaqaalaha lacagta yaa bixinaya? Siddee ayay u sii jireysaa marka goorahaaba waxaanu ka fikireynay sidii ay u suurogali laheyd waaney suuro gashay”

“Degmaddan Xagal waxaa u suuragalay oo ay fulisay dawladda hoose ama mid dhexe ama shacabkuba, aasaaskii arrimaha bulshada oo ay ka maqan yihiin waxyar, xanaannadda xoolaha uunba ka maqan, haday qaybtii Hooyadda iyo dhalaanka tahay, haday saldhigii tahay, haday dugsigii sare tahay, haday biyihii macaanaa oo sagaal km laga soo jiiday tahay, maayirka iyo xoghayaha dawladda hoose waanu ugu mahad celineynaa” ayuu yidhi mid ka mida bulshaweynta degmadda Xagal ee gobolka Saaxil.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply