Hargeysa(Dawan)Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta JSl ahna Afhayeenka Xukuumadda Md Maxamed Muuse Diiriye ayaa ku eedeeyey laanta afsoomaaliga ee BBC-da inay baalmartay dhexdhexaadnimadii Saxaafadda.
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa sheegay in laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ay jawaab waafiya ka sugayaan waraaqdii ay u dirtay Wasaaradda Warfaafintu, sidoo kalena waxa uu sheegay Wasiirku in hadalo badan ay dhibsadeen Bulshada Reer Somaliland oo ay faafiso Idaacada BBC-du.
Maxamed Muuse Diiriye Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in Idaacada BBC-du hore u ahayd idaacad ay wada leeyihiin una siman yihiin Bulshooyinka Afka Soomaaliga ku hadasha, Balse ay hada la mid noqotay Idaacadda Muqdisho ee ka waranta Dawladda taagta daran ee Soomaaliya.
Geesta kalena Waxa uu Wasiirku Baaq u diray Bulshada Reer Somaliland.