Maamulka Gobolka Saaxil Iyo Ka Degmada Berbera Oo Balanqaadyo U Sameeyey Shacabka Degaanadda Gobolkaasi Hoos Yimaada.

0
712

Berbera(Dawan)maamulka gobolka saaxil iyo ka degmadda berbera ayaa ka xog-warramay socdaal ay ku soo mareen degmooyinka gobolka saaxil.

Ugu horeyna waxa safarkaasi  iyo ujeedooyinkiisii ka hadlay xoghayaha dawladda Hoose ee degmada Berbera Cabdikariim Aadan Siciid  oo sheegay in socdaalkoodan oo qaatay muddo toddobaad ahi uu ahaa  mid ay ugu kuur gelayeen mashaariicdii 2019-ka oo ay dhamaystirayeen iyo xadhig ka jaristoodii  iyo u kuur-gelida xaaladda nololeed iyo baahida dadka ku nool degmooyinka gobolkaasi Saaxil hoos yimaada.

Waxaanu tilmaamay Xoghayuhu in ay safarkooda kusoo mareen dhamaan degaanadda hoos yimaada gobolka Saaxil, Barigiisa, Galbeedkiisa iyo Koonfurtiisaba, safarkaasina uu ugu soo dhamaaday nabad qab.

Waxa iyaguna  safarkaasi ka hadlay guddoomiyaha Golaha degaanka degmada Berbera ahna maayirka magaaladaasi Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin  iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan  oo  ka waramay waxyaalihii ay kusoo arkeen safarkoodaasi ay kusoo mareen degaamadda hoos yimaada gobolka Saaxil.

Waxaanay labadan masuul  sheegeen in safarkoodu uu salka ku hayey dhamaystirka mashaariicdii 2019-ka iyo  qorshaha 2020-ka, sidoo kalena  ay u kuur gelayeen  xaaladdaha ay ku nool yihiin bulshada degaanaddasi, waxaanay tilmaameen  in  ay  doonayaan in ay wax kala qabtaan dadkaasi  ay booqashada ugu tageen baahiyaha aas aasiga ah ee ay ugu horeeyaan Biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada.

Leave a Reply