Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Ee Education Cannot Wait+Sawiro.

0
398

Hargeysa(Dawan)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Barnaamijka loogu magac daray Waxbarashadu ma sugi karto ee ( Education cannot wait) kaasi oo ay qaban qaabadiisa lahayd Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Barnaamijkan oo ay Wasaaradda ka caawinayso Hay’adda ECW ayaa waxaa wax lagu bari doonaa Caruurta yar yar, waxaana halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo sheegay in Barnaamijkani yahay mid faa’iido u leh caruurta si loo helo ubad wada aqoonyahan ah.

Agaasimaha guud ee Hay’adda ECW oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Barnaamijkan loogu magac daray waxbarashadu ma sugi karto uu yahay barnamij, wax lagu baraayo caruurta, islamarkaana la jaan qaadaya qorshaha heer qaran iyo kan wasaaradda waxbarashadaba islamarkaana looga golleeyahay in caruurtu ku hesho xuquuqdooda wax barasho caqabad kasta oo timaada.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Dawladda Somaliland waxaa ka go’an mashaariicda lagu taageerayo waxbarashada oo ay ugu mudan tahay Hay’adda UNISEF, oo muddo dheer kasoo shaqaynaysay Somaliland inaan garab joogsano ayaan maanta halkan u nimid, aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay mashruuc kasta oo tayadii waxbarashada caruurta Somaliland kordhinaya”

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaa sharaf ii ah inaan daahfurno mashruucani Education cannot wait maanta oo ay bishu tahay 13 July 2019, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay runtii inaan daahfurno oo aan halkan hortiina soo joogsado annagoo muujinayna inay naga go’antahay inaan garab istaagno waxkasta oo lagu horumarinayo waxbarashada Somaliland”

Mduane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’antahay tayeynta waxbarashada “Xukuumadda Somaliland waxay markasta dedaal ugu jirta ama Barnaamikii Xisbiga Kulmiye ku cadayd in tayada Tacliinta kor loo qaado gaar ahaana Dugsiyada hoose dhexe ee waxbarashada asaasiga ah in kor loo qaado, waa arrin ka go’an Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo hogaamiya” xukuumada maanta joogta waxaa naga ballan ah inaan gaadhsiin doono insha allaah yoolkii loo baahna, wakhtigii loo qoondeeyey SDG.

Wa-bilaahi tawfiiq.

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Image may contain: 8 people, people standing, suit and weddingImage may contain: 10 people, suit and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and weddingImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 11 people, people sitting and suitImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: one or more peopleImage may contain: 10 people, people standing and indoorImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 9 people, people standing, suit and indoorImage may contain: 10 people, people standing and indoorImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: 3 people, suitImage may contain: 7 people, suitImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 3 people, people smiling, people sittingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 10 people, people sitting and tableImage may contain: 10 peopleImage may contain: 7 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 6 people, suitImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 personImage may contain: 10 people, people smiling, indoorImage may contain: 4 people, wedding and indoorImage may contain: 11 people, people smiling, people sitting and suitImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 3 peopleImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 12 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 4 people, people standing and suit

Leave a Reply