Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Colaada Ceel Afweyn

0
462

Hargeysa (Dawan) Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Sheekh Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mida culimadda magaalada Hargeysa, ayaa beelaha walalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceel Afweyn, ugu baaqay nabadgelyo, isla markaana ay eegaan karaamada qofka bini’aadamka ah ee dhiigisa la daadinayo.

Sidoo kale Sheekhu waxaa uu xukuumadda taladda dalka heysa ugu baaqay inay u dibjirto wax ka qabashadda coladda degmadda Ceel-afweyn.

Dhanka kale waxa uu sheekhu farriin u diray cidkasta oo loo tuhmayo inay qayb ka tahay dagaalka labadaasi beelood inay gacmaha ka laabato fidnadda iyadda oo ILLAAHEY kaga baqeysa.

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Sheekh Cabdiraxmaan Dheere) ugu horreyn waxaa uu ka hadlay halka ay Diinta Islaamku ka taagan tahay in qofka Muslimka ah dhiigiisa la daadiyo waxaanu yidhi “Sinbiririxooyinka iyo godadka iyo hogaga lagu dhaco ee qofku naftiisa ku ridda meel uu uga baxo aanu heynin, dhiig xaraana xaqdaro inuu ku daadiyo, dhiig la xarimay inuu xaqdaro ku daadiyo qofka Muslimka ah, nafta xaqdaradda lagu dillo Culimaddu waxaa ay tilmaameen in ay tahay afar nafood, waa nafta Muslimka ah, nafta Gaalka Muslimiinta heshiiska kula jira, naftiisa in la dilla oo dhiigiisa la daadiya ma bannaana, Gaalka Muslimiinta dhexdooda abni ku mara isna in la dillaa ma bannaana, qofka Muslimiinta dhexdooda magan geliyo ku jooga in isagana la dillo oo dhiigiisa la daadiya ma bananana”

Sidoo kale Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu farriin u diray, Siyaasiyiinta, Madax dhaqameedka, iyo culimadda waxanu yidhi “Waxaan baaq u diraya dadka acyaanta ah ee hadalkoodu meel marka leeyahay, ee siyaasi leh, madax dhaqameed leh, culimo leh, ILLAAHEY inay kaga baqaan fidnadaa in aanay hadal kaga qayb qaadan, inaanay maal kaga qayb qaadan qofkasta oo ku dhintay fidnadda ruuxi taageera ka dilla ayuu la mid yahay oo la xukun yahay ILLAAHEY agtiisa, maxaa yeelay qof dhintay dhiigiisa daadintiisa ayuu ku saaciday yaan la siyaasadey ee ILLAAHEY halaga baqo, haloo gurmaddo fidnadoodu iyaga ku gaabnaanmeyso, ku nabad ku fadhiya iyo ku colaad ku waabariistayba waa ay saameyn, ILLAAHEY wuxuu yidhi waar ka baqa fidno aan ku gaar noqon doonin kuwa sameeyay oo kaliya, waar aynu gurmano oo dhiiga Muslimiinta ee bilaashka ku dadaanaya aan u gurmano, niyad wanaagsan oo saafiya oo ILLAAHEY waa qalbi jire quluubta ayuu daalacanayaaye RABBI aynu ka barino in uu fidnadaa inaga damiyo.”

Ugu danbey Sheekh Cabdiraxmaan Dheere waxaa uu xukuumadda taladda dalka heysa ugu baaqay wax ka qabashadda dhiiga dadka Muslimka ah ee sida macno darrada ah u daadanaya waxaanu yidhi “Xukuumadda taladda heysay cida is dileysaa waa dadkiini dhiiga la dadaaniya waa dhiigi umadiina iyo shacabkiina, naf iyo maalba u hura, muruq iyo maalba galiya, maskax iyo muruq ku bixiya ku kala guntadda, u dibjira oo dhaxamaha u jiifsadda, isu soo jiida, tanaasulka badiya garabkiina dabciya, ILLAAHEY baa idinku guuleyne”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply