Somaliland oo ka mid Noqotay 11 dal oo Laga Xushay 150 Waddan oo Tartan u galay ka qayb galka shir Caalami ah

0
446

New York-(Dawan):- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hordhigtay qorshaheeda Hadafyada Horumarka Waara, kulan caalami ah oo Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay oo shalay lagu qabtay magaalada New York.

Wefdi ka socda Isbahaysiga Hadafyada Horumarka Waara (SDG18) ee Somaliland ayaa ku soo bandhigay kulan siyaasadeed sare oo QM soo qabanqaabisay oo ka dhacay Machadka  Nabadda Caalamka (IPI), warbixin lagu muujiyey horumarka ay Somaliland ka samaysay bartilmaameedyada caalamku u dhigay gaadhitaankeeda sannadka 2030-ka.

Xubnaha weftiga Somaliland ka socday oo kala ah Mustafe Sacad  (SONSAF), Ismaaciil Farjar (CPA)  iyo Cabdijaliil Daahir (Saferworld),ayaa kulanka u gudbiyay qoraallo rasmi ah oo ka hadlaya Qorshaha hormarka hadafyada waara ee Somaliland iyo yoolka u jeexan iyadoo kulankaa caalamiga ahna ay ka jeediyeen warbixino faah faahsan oo la xidhiidha qorsheyaasha Somaliland ee horumarka waara.

Cabdijaliil Daahir Afqarshe oo ka socday Hay’adda SaferWorld  ayaa  ka jeediyey warbixintii la xidhiidhay horumarka Somaliland kulankaas, oo dublamaasiyiin caalamka ah, ururada bulshada, ururada caalamiga ah iyo  kuwa dawliguba ay  ka qeybgaleen.

Ismaaciil Xuseen Farjar oo Wargayska Dawan,wax ka weydiiyey isagoo ku sugan Xarunta lagu qabtay shirka ee New York faa’iidada Somaliland  ka helayso  ka qeybgalka kulanka ayaa yidhi,

“Waan ku faraxsannahay inaan gudbinay warbixintii koowaad ee Somaliland ka gaadhay Hadafyada Horumarka Waara. Waxaa inoo suurtagashay inaynu hello bar-bilow, sannadaha soo socda aan kaga qiyaas qaadan karno waxa inoo kordhay.”

Wefdiga Somaliland  metelaya ee shirkaa ka qayb galay oo kala ah   Mustafe Sacad  (SONSAF), Ismaaciil Farjar (CPA)  iyo Cabdijaliil Daahir (Saferworld) ayaa ku guulaystay inay qeyb ka noqdaan  11 waddan oo laga dhexdoortay tartan ay ka soo qeybgaleen 150 dal oo caalamka ah, waxaana laga dhex arkayey calanka Somaliland oo ka dhex muuqda xarunta shirka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ay soo qaban qaabisay uu ka furmay shalay.

Xarunta Falanqaynta Siyaasadda ee Somaliland ayaa sidoo kale ku guulaysatay in barnaamij ay ka diyaariyeen Hoggaanka Dhalinyarada ka mid noqdo sheekooyinka guulaha hadafyada waara ee lagu soo bandhigay shalay magaalada New York.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply