WEEDHA WARGEYSKA Laanta Af-Soomaaliga ee BBC Way ka Baxday Xuduuddii Warbaahinta

0
516

Idaacaddii la odhan jiray Laanta Af-soomaaliga ee BBC ee xarunteedu ahayd London ee dadka afka Somaaliga ku hadla wax ugu gudbin jirtay si xeer iyo xarrago leh, ugana haqab-tireysay Wararka Caalamka, kan dhexdooda ka dhaca iyo xogaha kaleba, ayaa haatan la dhallan rogay oo gacanta loo geliyey dad aan xilkas ahayn oo bahasha qabyaaladda la yidhaana ku cusub tahay, taas oo aanay lafteedii si xeel dheer u dhigi Karin halkeeda iyo Shaqaalaha Somaalida ee ka hawlgala xarunteeda hadda oo iyana hal dhinac ka raran baa ka mida arrimaha la sii degay.

Waxa ay iska soo fogeeyeen Boqortooyada Ingiriisku markay arkeen cabashooyinka badan ee uga imanaya laanta Af-somaaliga, kana tageen hawlwadeennadii aqoonta lahaa, ayey laga soo raray xaruntii London, waxana loo soo wareejiyey dalalka Geeska Afrika mid ka mida , kaas oo ah dalka Kiiniya magaalo madaxdiisa Neyroobi oo hadda ah meesha xarunta rasmiga looga dhigay.

Aasaaskii laanta Afka Somaaliga ee BBC-sa waxa dhigaha iyo udubahaba u taagay shacbiga reer Somaliland, duuliyayaasheeda iyo hagayaasheeduna reer Somaliland, waxayna si hagar la’aan ah ugu deeqeen wixii aqoon iyo hibo ah ee ay lahaayeen hadday yihiin Heeso, Gabayo, Sheekooyin, Riwaayado, majaajilooyin, xeerarka iyo dhaqanka Somaalida iyo wax allaale wixii kale ee ay xiiseeyaan dadka Somaalidu, kuwaas oo dhammaantood u noqday keydkii ugu horreeyey ee ay muddada dheer isticmaalaysay BBC-du oo ahaa dhammaantood kuwa kasoo burqada maskaxaha reer Somaliland ee EEBBE ku maneystay curinta sugaanta

Intaa waxa sii dheeraa muddadaa hore ee aanay aqoonta isku lahayn ee aanay isbaran BBC-dii Boqortooyada Ingiriiska iyo Somaaliyada Talyaanigu, cidda wararka diyaarin jirtay ee soo tarjumi jirey ee haddana tebin jiray boqolkiiba 99% waxay ahaayeen dadka reer Somaliland, marka runta laga hadlana waa dadkii udub-dhexaadka u ahaa kobcinta afka Somaaliga, iyagoo mar kasta eray bixino cusub ku soo kordhin jiray Af-somaaliga.

Dadka reer Somaliland waxay ahaayeen kuwii Somaalida inteeda kale ku tallaalay dhegeysiga Idaacadda laanta afka Somaaliga ee BBC-da, waxayna gaadhsiiyeen heer aan laga sheekeyn Karin oo ay maanta markhaati ka yihiin dadka garanaya siday ahayd waayo-waayo iyo sida ay ku dembeysay waqtigan hadda aan joogno, cid kastaana way ka war-haysaa sida hab-dhaqankeeda warbaahineed isu beddelay xag walba.

Hawlwadeennada maanta ka shaqeeya ee ku sugan xarunteeda Neyroobi, waxay lumiyeen hannaankii, heybadda iyo soo jiidashadii lagu yiqiin war tebiyaha iyo Barnaamij soo jeediyaha oo isna ahaa mid la sugo maalinta iyo saacadda uu baxo barnaamijkiisu, kuwaas oo dhammaantood lahaa meel loo raaco.

Qolyahan meesha ku cusubi waxa kaloo ay meesha ka saareen garsoorkii looga baahnaa qofka Weriyaha ama Barnaamij soo saaraha, waxayna halkii geliyeen qof sheeganaya Barnaamij soo saare sida barnaamijka ay ku sheegaan Dood oo kii lahaa waxbaan daadahanayaa oo dhinacyadii uu hadalka u qeybinayey midkood la soo saftay ama labadii dhinac midkood cabbudhinaya, kii kalena u sii deynaya hadalka intuu doono.

Waxa wax welba ka sii darran, iyagoo Dooddaa marka horeba ku sii dhex-badhxada kuwa ay ku tilmaamaan aqoonyahano u dhuun-daloola mawduuca markaa laga hadlayo, balse aan ahayn sidaa ay ku sheegeen ee kuwa raacsan hal dhinac, waana kuwa caan ah sida ninka Bursaliid la yidhdo iyo qaar kale oo badan. Intaa kagama hadhaan ee waxay ku sii ladhaan dar kale oo ay ku sheegaan dadweyne fikradahooda ka soo dhiibta baraha bulshada sida facebook, balse dhammaantood aan ahayn kuwii runta ahaa ee ah kuwa [Fake] aan jirin oo dhinaciisa uu ka sii diyaarsaday ninka isku sheega barnaamij soo saaraha.

Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waa dad dulqaad badan, balse leh dareen fog oo ay ku adag tahay wax qarsashadu, kana warwareegin sheegista wixii run ama been ah, maantadaa aan joogno haddii laga qaado shacbiga rayi ururrin la xidhiidha dhegeysiga laanta Af-somaaliga ee BBC-da, waxaan hubaa in aanay dadka dhegeystaa aanay ka badnaan Karin 20%, halkay labaatan sanno ka hor ay ka ahayd 90%.

Haddii daraasad lagu sameeyo asbaabaha keenay hoos u dhaca illaa xaddigaa gaadhsiiyey tirada dhegeystayaasheedii, waxa ay bulshada qeybaheeda kala duwani kuu sheegayaana markaaba, inay noqotay Idaacad u shaqeysa hadba Madaxweynaha ku fadhiya kursiga Somaaliya oo buunbuunisa, kana sii balballaadhisa xataa Idaacaddooda Raadyow Muqdisho.

Geesta kale waxay hoos u dhigaan ama akhris ishaa biligteeda ah ku dulmaraan wax kasta oo wanaagsan oo u hirgala reer Somaliland, mararka qaarkoodna waxay dhacda kasta oo fiican oo ka dhacda Somaliland ku dhex walaaqaan mid kale oo iska mala-awaal ah, sida inay wax ka weydiiyaan qof ay ku ogyihiin naceybka qadiyadda JSL.

Laanta Af-somaaliga ee BBC-da iyadoo aanay dawladi xidhin ayey shacbigu waqti hore ka xidheen dhegahooda, sidaan filaynana hadday ku sii socdaan ololaha dagaal ee ay ku hayaan jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, shaki kuma jiro in Xukuumaddu laali doonto wixii heshiisyo ahaa ee hore loo wada galay oo ay ugu horreeyaan FM-yada ugu rakiban dhawr ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo dhammaan xidhiidhada kale ee xagga Warbaahinta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply