Xukuumadda Somaliland: “BBC-du Waxay Isku Beddeshay Radio Muqdisho”

0
421

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ku eedeeyey laanta Af-Soomaaliga ee Idaacada BBC-da inay baalmartay dhexdhexaadnimadii ay caanka ku ahayd.

Wasiirku waxa uu sheegay in laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ay jawaab waafiya ka sugayaan waraaqdii ay u dirtay Wasaaradda Warfaafintu. Sidoo kale na ay jiraan hadalo badan oo ay dhibsadeen bulshadda reer Somaliland oo ay faafiso Idaacada BBC-du.

Maxamed Muuse Diiriye, waxa kale oo uu sheegay in Idaacada BBC-du hore u ahayd idaacad ay wada leeyihiin una siman yihiin Bulshooyinka Afka Soomaaliga ku hadasha, Balse ay hadda la mid noqotay Idaacadda Muqdisho ee ka waranta Dawladda taagta daran ee Soomaaliya.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Idaacadii BBC ee Geeska Afrika laga dhegaysan jiray, oo maanta aad moodo in qoys yeeshay. Arrintaasina runtii aad iyo aad ayaan uga xumahay. Idaacadaasi oo dadka reer Somaliland ay hudheeladda iyo guryaha iyo makhaayadaha iyo meelaha la isugu yimaado ay si weyn intaba ugu dhegaysan jireen.

Aad baa warkeedda loo aqoonsanaa, loona sugi jiray. Hase yeeshee maanta meel lagu dhegaysanayo arki maysid. Sababta oo ah waxaad mooddaa in ay ka baxday, ama ay ka baxdayba, dhex dhexaadnimadii”.

Wasiirka warafaafinta Somaliland oo ka hadlayay qoraalka cabashadda ah ee ay u gudbiyeen madaxda BBC, waxa uu yidhi “Qoraal dheer oo cabasho ah ayaanu wasaarad ahaan u qornay BBC laanteedda Af-Soomaaliga. Waxaanan arkaayay qoladii reer London ee muwaadiniinta ku noolaa ee af-Soomaaliga ku hadli jiray laftoodii ka hadleen.

Waan ka ashkatoonaynaa, waanan ka cabanaynaa. BBC waxay ka mid ahayd qaranka Somaliland meelihii laga dhisay muddo dheer ka hor. Laakiin, maanta waxaad moodaa in ay ku soo guryo noqotay Soomaaliya oo idaacadii radio Muqdisho isku bedeshay”.

Geesta kale wasiirka ayaa tilmaamay in cabashadii ay u gudbiyeen masuuliyiinta BBC in ay si kooban uga soo jawaabeen, jawaabtaasi oo iyaga u cuntami wayday, isla markaana ay mar kale ka codsanayaan in ay jawaab waafiya ka soo bixiso arrintaasi.

“Jawaab yar oo kooban ayay iigu soo jawaabeen oo ay yidhaahdeen waanu eegaynaa. Waxaanu ka codsanaynaa BBC laanteedda af-Soomaaliga in ay dib ugu noqoto arrintaasi oo ay dib u eegto, oo ay jawaab waafiya oo ded deg ahna na soo siiso. Haddii kale wixii nala gudboon ayaanu eegi doonaa.

Ma jeclin anaga iyo BBC in aan isa seegno, waayo? Meeshii u horaysay ee laga baahiyo halkan ayay ahayd. Waanan qadarinaynaa, waanan qiimaynaynaa. Aad ayaanay noogu dheer tahay idaacadaasi, oo iyada ayay reer Somaliland u yaqaaneen warka aduunkaba.

Sidaas daraadeed, waxaanu ka codsanaynaa in ay arrintaa nooga soo jawaabaan, tallaabana ay qaadaan” ayuu yidhi wasiir Maxamed Muuse.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply