Siyaasi Warancadde oo Fashiliyay Dagaal Somaliland ka Dhan ah oo ay Isku Bahaysteen Muqdisho iyo Qadar

0
526

Hargeysa(Dawan):- Siyaasi Cali Maxamed Warancadde oo ka mid ah siyaasiyiinta Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE isla markaana xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland ka soo qabtay xilal wasiirnimo,ayaa kashifay dagaal Somaliland ka dhan ah oo ay isku bahaysteen dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo dawladda dalka Qadar.

Waxaanu Warancadde usoo jeediyay bulshada Somaliland shicib iyo dawlad mucaarid iyo muxaafid in ay u midoobaan iska difaaca cadawga qaranka Somaliland isla markaana wada jir iyo iskaashi ay kaga gudbaan.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay hubka Qadar Soomaaliya ku soo dal dalayso iyo ciidamo uu sheegay in ay u tababarayso in uu halis ku yahay ammaanka guud ahaan dalalka Geeska Afrika oo Somaliland na ay ka mid tahay.

Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan hoose ka daawo

 

 

Leave a Reply