Wasiirka Caafimaadka  oo Kormeer  ku Tegay Awdal  Gaadhsiiyayna Cisbitaalka Dhimirka Iyo TB-da Borama. Dawooyin iyo Timir

0
595

Boorama (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Hormarinta caafimaadka Somaliland Prof. Cumar Cali Cabdilaahi,ayaa maanta kormeer hawleed ku tegay gobolka Awdal, waxana wasiirka iyo Wefdigiisa soo dhaweeyay Isu duwaha caafimaadka ee gobolka Awdal iyo masuuliyiinta kale ee caafimaadka ee gobolka Awdal iyo degmada  Boorama

Wasiirka oo ujeedada Safarkiisa ka waramaya ayaa xusay in uu salka ku hayo u kuurgalka adeegyada caafimaad iyo shaqaalaha caafimaad ee gobolka Awdal,wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Wasaarada Caafimaadku waa wasaaradaha Adeega bixiya, adeeguna waxa uu u baahan yahay in tayadiisa la joogteeyo, tayaduna waxa ay u baahan tahay in qorshe iyo siyaasad loo sameeyo oo shaqaalaha la tababaro, in adeega marka la bixinayana la kormeero oo laga war-hayo, sidaas aawadeed ayaan u go’aansanay in aan gobolkan iyo gobolada kale ee dalkaba kormeerno oo aan la kulano masuuliyiinta caafimaadka una kuur-galno habka uu u socdo maamulka iyo maaraynta caafimaadku”

 

Isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Awdal iyo Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Boorama ayaa iyaguna soo dhaweeyay wefdigan ugana xog waramay xaalada guud ee caafimaadka iyo tan gobolka Awdal.

Intaa ka dib wasiirku waxa uu soo kormeeray MCH-ka magaalada Dila, Kuliyadaha Caafimaadka ee Jaamacadda Cammuud iyo Qaybaha kala duwan ee cisbitaalka guud ee Boorama, waxana uu halkaas deeq iskugu jirta daawooyin iyo timir loogu talo galay Qaybaha TB-da iyo Dimirka iyo Cisbitaalka Saylac uu ku wareejiyay Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Awdal.

Leave a Reply