Dalalka Somaliland iyo Jabuuti oo iska Kaashanaya Dhanka Gaashaandhigga

0
721

Djibouti (Dawan)- Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Cateeye (Fariid), Safiirka Somaliland ee Djibouti Danjire Cabdifataax Siciid Axmed, Abbaanduulaha 1aad ee ciidanka qaranka Sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud), Madaxa Hoggaanka tababarka ciidanka qaranka Sarreeye guuto Axmed Cali Maxamed, Madaxa Hoggaanka Madaafiicda Gaashaanle sare Yuusuf Aadan Nuur (Marduuf) Madaxa Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Qaranka Gaashaanle dhexe Dr. Axmed-shadi Cabdillahi Maxamuud, ayaa safar shaqo ku jooga maalintii labaad dalka Jabuuti.

Weftiga uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Jamhuuryadda Jabuuti waxaa dalkaasi ku soo dhaweeyay wasiirro katirsan Xukuumadda Jabuuti iyo madax sare oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaanay Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Difaacu ay la kulmeen wasiirka wasaarada Caddaalada ahna ku simaha wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Cali Xasan Bahdoon, Taliyaha Ciidanka Qaranka Jabuuti Sarreeye gaas Sakariye Sheekh Ibrahin iyo Hoggaanada kala duwan ee ciidanka Jabuuti, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Gen. Xasan Siciid Kheyre, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Maamul daadejinta ahna ku simaha wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Hamudo Aramiz.

Weftiga Somaliland iyo madaxda dawladda Jabuuti ee ay la kulmeen ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga dhanwalba leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Waxaa kale oo lagaga wada hadlay sidii labada ciidan ee labada dal ay arrimo badan u wadaagi lahaayeen isla markaana iskaga kaashan lahaayeen dhanka tababarka iyo arrimaha millatariga.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply