Duqa Gabiley oo Iska Fogeeyay Wareysi BBC-du Sheegtay in uu Siiyay

0
557

Gabiley (Dawan) Duqa degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi ayaa iska fogeeyay cod ay baahisay Idaacadda BBC-du, kaas oo ay ku sheegtay inuu ahaa maayarka degmadaasi, waxaanu tilmaamay in aanu isaga aheyn oo aanay jirin meel ay kula soo xidhiidhay iyo meel ay ku wareysatay toona.

Maayir Maxamed Amiin waxaa uu xusay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga oo u wareysigaasi ka baxay uu ka doonayo caddeynta cidda magaciisa sheegatay ee ay wareysteen.

Duqa degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi waxa uu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Gabiley, Duqa degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahay 23/7/2019 ayaa warkii subaxnimod ee BBC-da waxaa ku jiray war ay kaga hadlayaan degmadda Gabiley, warkaasi oo ay ku sheegeen in uu ahaa wareysi ay la yeesheen xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee Gabiley iyo duqa golaha deegaanka ee degmadda Gabiley, Maxamed Amiin Cumar Cabdi, iyaga ayaa sheegi doona cida ay leeyihiin waa duqa degmadda Gabiley ee ay wareysanayaan, aniga ka maayir ahaan ma jirto BBC-du meel ay igula soo xidhiidhay iyo meel ay wareysi igula yeesheen midna, waana been abuur ay ku talo gashay idaacaddu, iyada ayaana ka jawaabi doonto”

“Idaacadda BBC oo aheyd idaacadd qiimo badan weynu ognahay in mudooyinkan u danbeeyay in dadweynaha Somaliland iyo dalkeedaba ay dagaal kula jirto, hase ahaate waynu aragnaa in qof dhan oo masuula ay dadka ku been abuuranayaan oo ay bulshada la wadaagayaan, waana gef iyo meel ka dhaca kana hadhimeyno INSHA ALLAAH, iyagaana cadeyn doona” ayuu yidhi duqa degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply