Xikmadaha

0
6826
  • Bertrand William Russell oo faylasuuf Ingiriis ah ayaa yidhi:Noloshu way ka gaaban kana kooban tahay oo haddana ka qiimo badan tahay inaan uruurinno gefafka dadka kale inagu sameeyaan iyo in dadka la isku diro oo belaayo la dhe dhigo”.  Waxa uu intaa ku daray “ dadka khaladka uruuriyaa waxa ay  iska lumiyaan wakhti qiimo badan halka kuwa dadka isku diraanna ay noqdaan dad qiimihii nolosha gabay oo cimri gaaban”.
  • Guusha Weyn waxaad gaadha markaad naftaada ka Guulaysto.
  • Aadamiga waxa nolosha jeclaysiiya waxa ugu muhiimsan rajada
  • Qiimaha qofku wuxuu ku jiraa, inaad baahidaad qarsato ilaa ay dadku kuu qaataan inaad tahay mid hodan ah. Inaad Qarsato cadhaadaada ilaa laguu qaato inaad  faraxsan tahay.  In marka xaaladdu kugu xumaato aad qarsato ilaa loo qaato in xaalkaagu wanaagsan yahay.
  • Islaan da’ ah ayaa la weydiiyay , sidee ayaad ugu noolaydeen nolol bilaa technologi ah oon Telefon, Internet iyo Electronic  midna lahayn ? Waxayna ku  jawaabtay:

Sida aad maanta ugu nooshihiin nolo bilaa kalgacal, balan fur leh, been iyo  bilaa Insaaniyad ah.

Leave a Reply