Saboolkii Dadkiisa Xoreeyay!

0
840

Nelson Mandela wuxu leeyahay taariikh hal adaygnimo oo kala duwan. Nelson aabihii wuxu dhintay isagoo yar, madaama ay sabool ahaayeen hooyadii waxay awoodi weydo korintiisa waxayna u dhiibtay qoyskii ku jiray qasrigii Great palace. Waxaana muddo dheer Mandela xanaanayn jiray nin lagu magacaabo  Jongintaba Dalindyebo isagoon hooyadiina arag.

Ninkaasi saboolnimada ku soo koray ayaa noqday ninka dadka madow ee koonfur Africa ka xoreeyay gumaysigii cadaanka, halka kumanaanka nolosha wanaagsan ku soo koray aanay taariikhda gelin. Fikirka wadaniyadu wuxu keena inay dadkaagu ku jeclaadaan oo aad guulaysato inkasta oo aad ka soo jeedo qoys sabool ah, fikirka ugu liitaana waa kan qabiilka, oo aad noqonayso qof bulshadiisa kala qaybinaya. Qoyska uu ka soo jeedana ka dhigaya kuwo dadka kale ka sareeya oo ay dad yari dulmiyeen, taasi oo aanu weligeed qofka adeegsadaa guul ku gaadhin.

Leave a Reply