WEEDHA WARGEYSKA Danta Qaranku Waa Doorashooyinka Oo Dhaca Xilligooda

0
481

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an in doorashooyinka labada Gole ee Wakiillada iyo degaanku ku qabsoomaan waqtiga loo cayimay, maadaama muddo xilliyeedkii labadan gole uu noqday muddo dhaaf in ka badan laba jibbaaran. Ka hor intaan loo sameyn korodhsiimadan ugu dembeysay Golaha Wakiillada, ayaa Xukuumaddu sii diyaarisay wax kasta oo xaggeeda kaga soo hagaagay, hadday tahay dhaqaale, nabadgalyo iyo waxyaabaha kale ee soo raaca sida xidhista xuduudaheena. 

Haseyeeshee marka uu soo dhawaaday waqtigii qabashada doorashooyinka oo xataa ay koobneyd muddada ka hadhsaneyd qabashada doorashooyinka, ayaa waxa ka soo yeedhay dhinaca Xisbiga Waddani Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, war dhaawac ku noqday in doorashooyinku ku dhacaan xilligii loo cayimay. Warkaas waxa uu ahaa mid uu ku caddeynayey inaanu Xisbiga Waddani ka qeyb geleyn doorashooyinka illaa inta laga wada beddelayo dhammaan xubnaha Komishanka doorashooyinka Qaranka, isagoo aan soo bandhigin asbaabaha uu u cuskanayo kala diristooda, inkasta aanu jirin sharci keli ahaantii u banneynaya kala diristooda. 

Arrintan ka soo yeedhay Xisbiga Waddani, inkasta oo ay ahayd mid aan ku saleysneyn sharciga iyo xeerka lagu aasaasay Komishanka doorashooyinka, suurtagalna ahayn in saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda toona uu hadba midka doonaa beddeli karo gebi ahaan xubnaha Komishanka iyadoo aan la gaadhin dhammaadka waqti xilliyeedkoodii shaqo, ayaa haddana laga aqbalay Xisbiga Waddani, si ay u qabsoonto doorashadu. 

Sidoo kale Xisbiga UCID, ayaa isna soo jeediyey in lagu kordhiyo komishanka doorashooyinka Qaranka laba xubnood oo ay soo magacaabaan labada Xisbi mucaarid, taasoo iyana ay isla qaateen madaxda axsaabtu Qaranku in labadaa xubnoodna la kordhiyo wixii ka dembeeya doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Degaanka.

Iyada oo arrimihii laysku hayey u muuqdeen kuwa la xalliyey oo dhammaaday, balse uu weli Xisbiga Waddani sii daba taagnaa xubnaha Komishanka oo hore loogu caddeeyey in la kala dirayo, isla markaana Komishan cusubi qaban doonaan doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Degaanka, ayaa haddana markuu Guddoomiye Cirro arkay in aanu muran dembe halkaa ugu bannaaneyn, ayuu mar kale haddana kusoo booday oo qabsaday xadhigii korodhsiimada labada xubnood ee Xisbiga UCID soo jeediyey, horena axsaabtu ugu heshiiyeen in doorashada tan ka dembeysa lagu daro labadaa xubnood ee ay soo magacaabayaan labada Xisbi mucaarid.

Sidaa marka ay tahay ee uu illaa imika uu taagan yahay Guddoomiye Cirro, teyda oo la yeelo mooyee tu kale socon meyso, haddii la diidana waa laysku rogman oo belaa dhici doonta, ayaa waxa dib loo bilaabay halkaa hadda in la raadco loo galo farsamadii loo maareyn lahaa arrinta xujada iska ah ee Xisbiga Waddani, iyadoo ay iska caddaan tahay in wax kasta oo loo yeelo sida ka miuuqata ay ka go’an tahay Xisbiga Waddani in aanay doorashooyinka soo fool lihi ka dhicin dalka, iyadoo ficilladiisa marka la eego uu si kale dan mooday. 

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay sida dharaarta wax kastaa u muuqan doonaan marka heshiis buuxa laga gaadho waxyaabaha hadda aan weli heshiiska lagu ahayn oo sida la rajeynayo la soo afjari doono waqti dhow, hase ahaatee talo ahaan, waxa uu heshiiskaa dembe ee saddexda Xisbi Qaran u baahan yahay in lagu ladho lifaaq qeexaya, inaan laga aqbali doonin madaxda Axsaabta inay keenaan marmarsiyo dembe oo carqaladeyn kara in doorashooyinku ku dhacaan muddada loo cayimay.

Dib u dhac kale oo ku yimaad doorashooyinka la qorsheeyey inay dalka ka dhacaan bisha Diisembar ee dhammaadka sannadka, sida hadda inoo muuqata waa mid aan ku qabsoomeyn xilligaa, waayo iyadoo ay hadda muddadaa innooga hadhsan yihiin Afar bilood, ayaa waxaan suurtagal ahayn in lagu soo dhiso komishan cusub oo u baahan waqti ay ku helaan tababarro, sidoo kalena ku diyaariyaan dhammaan hawlaha kale ee baaxadda ballaadhan leh ee lagama maarmaanka u ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. 

Geesta kalena aan weli la soo afjarin khilaafka dhinaca kordhinta labada xubnood ee dhinaca labada xisbi mucaarid ee uu hadda taagan yahay Xisbiga Waddani inaan lala sugin doorashooyinka tan ka dembeeya ee lagu daro Komishanka cusub ee hadda qaban doona sida qorshuhu yahay doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Degaanka ee Dec/2019ka ka dhici doona dalka. khilaafka axsaabta ee dhinaca Komishanka tiradiisa.

Wax kasta oo la damco in la adkeeyo ama aan lagu kala bixin xujadeeda waa la sameyn karaa, balse hadday dhibaato ka timaad waa mid aanu ka badbaadin Karin kii soo maleegay xujadaasi, sidaa darteed waxa habboon inaan doorashooyinka la keenin kolba xujo cusub oo dhibaato iyo dib u dhac ku keeni karta jiritaanka Qaranka iyo midnimada shacbiga Somaliland. 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply