“Dadkeena oo Dastuurka La Baraa Waxay Innaga Saaraysaa Waxbadan oo Qaldan oo Qabyaaladdu ka Mid Tahay.” Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha

0
521

Hargeysa (Dawan):- “Qofka muwaadinka ahi xuquuq ayuu leeyahay, isna waajibaad ayaa lagu leeyahay oo saaran, taana wuxuu ku garan karaa marka uu barto Dastuurkiisa qaran ee dalku leeyahay, ka xukuumad ahaanna diyaar waxaan u nahay in qof kasta oo reer Somaliland ah la gaadhsiiyo oo la baro Dasruurka qaranka.” sidaa waxaa hadalkiisa ku bilaabay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo wargayska Dawan waraysi gaar ah ka siiyay kulan hawleed kulmiyey sadex wasaaradood iyo xuquuqal insaanka qaranka oo khamiistii la daah furay lagagana dhawaaqay bilawga faafinta Dastuurka qaranka oo habab badan oo kala duwan oo casri ah dadka rer Somaliland lagu gaadhsiinayo Dastuurka qaranka.

Kulan hawleedka lagaga dhawaaqay faafinta barashada iyo ku dhaqanka Dastuurka Somaliland oo ay ka qayn galeen Wasiirada wasaaradaha Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Maxamed Muuse Diiriye Waxbarashada iyo Sayniska Cismaan Jaamac Aadan.Guddoomiyaha Xuquuqal Insaanka Maxamed Baaruud Cali, Guddoomiyaha komishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Jaamac Maxamuud.

Kulankaas oo lagu daaf furayay faafinta iyo barashada dastuurka Somaliland oo ay wada jir iskaga kaashanayaan wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha iyo Warfaafinta ka dib ayaa wargayska Dawan waxaa waraysi gaar ah siiyay wasiirka xidhiidhka goleysaasha iyo arrimaha Dastuurka oo faah faahin ka bixiyay ujeedada laga leeyahay in bulshada Somaliland la baro Dastuurka iyo qaababka loo gaadhsiinayo dadweynaha reer Somaliland Dastuur barista miyi iyo magaaloba.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan wuxuu iftiimiyay sida ay ka wasaarad ahaan u faafinayaan dastuurka dalka iyagoo ka faafin doona wargayska Dawan, Raadyaw Hargeysa iyo Tv-ga Qaranka oo muddo 120 maalmood ah si joogto ah looga faafin doono iyo waliba habab kale oo casri ah oo dastuurka dadka loo gaadhsiinayo kaas oo ah ablikayshin wasaaraddu diyaarisay oo qof kasta oo mobil haystaa uu si fudud u heli karo isagoo aan u baahan internet.

Waxaanu intaa lu daray in ka xukuumad ahaan ay diyaar u yhiin in qofka muwaadinka ahi uu barto xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka saaran isla markaana uu la xisaabtami karo dawladdiisa.

Wasiirka oo ugu horrayn faah faahin ka bixinaya habka barashada dastuurka ayaa yidhi. “qofka muwaadinka ahi xuquuq ayuu leeyahay isna waajibaad ayaa lagu leeyahay oo saaran, taana wuxuu ku garan karaa marka uu barto Dastuurkiisa qaran ee dalku leeyahay ka xukuumad ahaanna diyaar waxan u nahay in qof kasta oo reer Somaliland ah la gaadhsiiyo oo la baro Dasruurka qaranka. Sibaabo badan ayaan u faafinaynaa oo aanu dadka u gaadhsiinaynaa Dastuurka waxaana muddo 120 Maalmood ah oo u dhiganta afar bilood si toos ah loogala socon doonaa warbaahinta qaranka sida Dawan,Raadyaw Hargeysa iyo TV-ga qaranka waxaa kale oo aanu samaynay oo dadka qof kasta oo moobil sita miyi iyo magaaloba wuxuu si fudud u heli doonaa ablikayshan wasaaraddu diyaarsay oo uu moobilkiisa si fudud ugula soo degayo isaoo aan Internet u baahan, waxaynu nahay dal la yidhaahdo Somaliland dalkuna dastuur iyo sharci ayuu leeyahay qof kasta oo muwaadin ahina wuxuu leeyayay xuquuq waajibaad ayaa isagana saaran taana wuxuu ogaanayaa oo uu garanayaa marka uu barto Dstuurkiisa,markaa ka wasaaarad ahaan way naga go,an tahay in dadka oo dhan aanu dastuurka gaadhsiino wasaaradduna waxay xarumo ka samaysatay gobolada oo dhan oo ay ka hawl gashay isla markaana ay isuduweyaal iyo hawlwadeeno wasaradda ahi ka hawl galaan.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay waxa xukuumadda uga qorshaysan la xisaabtanka dadka markay gartaan xuquuqda ay ku leeyihiin, ayaa yidhi. “maalin kasta waxaa dhacda in aynu maqalno oo warbaahinta laga sii daayo beel heblaayo oo xuquuqdeeda ka hadashay iyo beel heblaayo oo wax tabanaysa laakiin taa waxaa lagaga gudbayaa marka dadku dastuurkooda ay bartaan ee qofka muwaadinka ahi uu ogaadu xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka saaran ee uu ku doodi karo muwaadinku xuquuqdaas ayuu leeyahay oo dastuurka ayaa u damaanad qaaday ee uu yidhaahdo waxaas iyo waxaas ayaa iga maqan isna uu ka soo boxo waajibaadka saaran taasina waaba ta aaanu ka xukuumad ahaan u socono oo ah in sharcigu sarreeyo taasoo uu gadhwadeen noogu yahay Madaxweynaha qaranka Somaliland oo ballan qaaday sarraynta sharciga markaa si qof qof iyo bulsho ahaanba ay inooga wada suura gasho in sharcigu sarreeyo oo lagu wada dhaqmo waxaa lagama maarnaan noqotay in wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurku in ay dhabarka u ridato in ay dadka gaadhsiiso oo barto dastuurka qaranka halku dhigayaguna wuxuu yahay muwaadin baro dastuurkaaga waa dantaadee.”

Wasiirka oo la waydiinay in ay hawsha baaxaddaa leh u hayaan dhqaale ay miyi illaa magaalo kaga wada hawl galaan, ayaa yidhi. “horta wax kasta waxaa ugu horreeya oo kaw ka ah waxa aad qabanayso in aad daacad ka tahay oo daacadnimo ay jirto ta labaadna waa in hadba sidaad u awooddo oo hagrasho la,aan ah aad u hawl gasho markaa arrintaasi way naga go,an tahay,waanan ku dedaalaynaa waxaana nagala qayb qaadanaya wasaaradda warfaafinta,waxaa kale oo aanu wadnaa in lagu daro manhajka qaranka si jiilalka wax inoo baranaya ee inoo kacayaa ay u noqdaan dhalliinyaro yaqaana dastuurka qaranka oo qodob qodob u xafidsan oo ay u kala caddahay wixii dambi ah iyo waxa aan dambi ahayn xuquuqdiisana ka dheregsan waajibaadka saaranna ogsoon taasina waxay innoo hoggaaminaysaa in aynu noqono umad ka xorowday qabyaalad oo u gudubtay muwaadin xuquuqna leh waajibaadna saaran yahay,markaas ayaa qofnaka lagu dhiqi karaa waajibaadka qaran ee saaran isna u ku doodi karaa xuquuqda uu leeyahay oo uu la xisaabtami karaa masuulka hadba xuquuqda uu is leeyahay waxbaa kaaga maqan u xil saaran.”ayuu yidhi wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply