Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyay 19 Maxaabuus oo Budhcad Badeed ah

0
455

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa cafis u fidiyay 19 Maxbuus oo ka mid ahaa 20 Maxbuus oo budhcad badeed ahaa oo laga soo xidhay dalka Siishilis oo ku soo wareejiyay Somaliland ka dib markii maxaabiistu ay u baahdeen dal muslim ah oo ay isku dhaqan yihiin oo lagu xidho.

Taasoo ay Somaliland maxaabiistaa u aqbashay iyadoo dhawraysa in maxaabiistaasi ay helaan dal la dhaqan ah la diin ah isla markaana ay isku af yihiin oo ay ku cidhnaadaan,maxaabiista Budhcad badeeda ah ee ku xidhnaa Somaliland,ayaa mudadii ay xidhnaayeen xabiyada Somaliland loogu sameeyay dhaqan celin isla markaana la baray xirfado shaqo oo ay dib ugula midoobi karaan bulshadooda.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo tix galiyay codsiyo is daba joog ahaa oo ka imanayay ehelada iyo madaxdhaqameedka maxaabiista budhcad badeedda u xidhnaa isla markaana uu la tashiyo sameeyay isagoo eegaya aadaminimada isla markaana dhawraya siday maxaabiistaasi u qaateen dhaqan celintii loo sameeyay isla markaa ay caddaatay in ay diyaar u yihiin in ay dadkooda dib ula midoobaan waxaa uu Madaxweynaha Somaliland cafis u fidiyay 19 Maxbuus budhcad badeed Soomaaliya u dhashay.

Waxaana maxaabiistaa ka hadhay oo aan ku jirin cafiska Madaxweyne Muuse u fidiyay hal maxbuus oo intii uu ku xidhnaa Somaliland fal dalbiyeed dil ah geystay oo askari ka tirsan ciidanka Asluubta dilay o qudha ka jaray.

Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan hoose ka daawo.

Leave a Reply