Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo Gobolka Saaxil ka Bilawday Macdan Baadhis

0
487

Berbera(Dawan):- Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland,ayaa deegaano ka tirsan gobolka Saaxil ka bilawday Macdan baadhis.

Macdan baadhista Wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland maanta bilawday ayay ka bilawday deegaano ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil.

Macdan baadhista wasaaraddu bilawday ayaa socon doonta muddo 3 bilood ah,taasoo ay dadweynaha deegaanka degmada Mandheera si weyn u soo dhaweeyeen isla markaana ay sheegeen in ay muddo badan sugayeen in macdanta dalka baadhis lagu sameeyo isla markaana laga faa’iidaysto khayraadka Somaliland ay qaniga ku tahay,waxaanay caddeeyeen in ay wasaaradda gacan buuxda ku siinayaan in macdan baadhis lagu sameeyo deegaanka degmada Mandheera.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil ayaa si wayn ugu mahad naqay dadweynaha degmada Mandheera oo ay kula dardaarmeen in ay dhankooda gacan ka geystaan macdan baadhista iyadoo dheefta ugu badan ay heli doonaan dadka deegaanku.

Haddaba halkan ka daawo warkaas oo dammaystiran.

Leave a Reply