Wasiirka Isgaadhsiinta oo ka Hadlay Doorka Wasaaraddiisa ee Dakhli Soo Saarka

0
464

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Muxumed, ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay kaalinta labaad kaga jirto dakhli soo saarka guud ee dalka, isla markaana ay higsanayaan in ay kor u sii qaadaan dalkhi soosaarka.

Waxaanu intaa raaciyay in wali wasaaraddu ay hoosayso dakhi soo saarkeedu marka loo eego cashuuraha laga qaado shirkadaha isgaadhsiinta oo lacago badani ay ku baaqato.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xeer lagu dhaqayo siyaasadda tiknolajiyadda casriga ah lagu dhaqayo oo uu tilmaamay in ay soo saareen isla markaana uu wax wayn ka tari doono hirgelinta la jaanqaadka tiknoolajiyadda casriga ah ee dawladda.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Laamaha dawladdu si ay kor ugu qaadaan tayada iyo wanaagga adeegyada ay u bixinayaan dadweynaha waxaa loo baahan yahay in ay aad uga faa’iidaystaan tiknoolajiyadda casriga ah.

Waxaana jira qorshe siyaasadeed dawli ah oo la yidhaahdo siyaasadda casriga ah ee tiknoolajiyadda casriga ah ee dawladda, waa siyaasad kooban oo sheegaysa qaabka loo maamulo siyaasadda tiknoolajiyadda casriga ah ee dawladda, hadday tahay qaabka loo soo iibsanayo, hadday tahay hageyaasha istaandariska ay u baahan tahay tiknoolaiiyaddu, hadday tahay qaabka mashruuca loo hirgelinayo iyo hadday tahay marka uu mashruucu dhammaystirmo sidee looga wareegayaa.”

Wasiir Dr Cabdiwali oo ka hadlayay kaalinta wasaaraddu kaga jirto dakhli soo saarka dalka iyo waxyaabaha u qorshaysan, ayaa yidhi. “Waxay wasaraddu kamid tahay tiro illaa 8 wasaaradood ah oo dakhli soo saara, waxaanan qabaa in wasaaraddu kaalinta labaad kaga jirto dhanka dakhli soo saarka oo ay ku xigto wasaaradda Maaliyadda.haddana wali meel hoose ayay taagan tahay wasaaraddu oo wali shirkadaha isgaadhsiinta lagama qaado cashuurtii xaqa loogu lahaa laakiin waxaan u taagannahay in laga qaado oo uu shirkadaha isgaadhsiinta ka soo xeroodo cashuurtii waajibka loogu lahaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply