Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Xallinta Arrinta Caarre

0
384

Burco (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xallinta iyo soo afjaridda arrinta Kornayl Caarre oo loo marayo hannaan nabad gelyo oo qaranka Somaliland dan u ah. Waxaa kale oo Xukuumaddu intaa raacisay in Somaliland aanay dani ugu jirin in dhexdeeda ay isku dhimato.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi) oo safar ku marayey gobolada bari ee dalka oo ka hadlay xaaladda nabad gelyo ee gobolka Sanaag iyo wada hadal u socda Kornayn Caarre iyo Xukuumadda waxay sheegeen in arrintaasi ay meel wanaagsan marayso isla markaana dhawaan guul lagu soo dhammayn doono.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Arintaasi waxa gacanta ku haya odayaasha dhaqanka oo u tegay markii shaqaaqadu dhacday, markaa hawl kastaa waxa ay ku dhamaanaysaa Caarre waa nin Somalilander ah inaguna waxaaynu ku soo caano maalnay soddonkaa sannadoodba wax kasta oo innaga hor yimaada inaynu si nabadgelyo ah ku dhamaysano xukuumadda go’aankeedu waxa weeye hawshaasi inay ku dhamaato si nabadgelyo ah markaa cid kasta oo dhankeena iyo dhankooda ka dhimanayaaba dadkeena weeyaan markaa masuuliyadduna waxa ay saaran tahay masuuliyiinta iyo dadkaasi la doortay oo ILAAHEYna kala xisaabtamayaa markaa dawladdu waxa ay ku dedaalaysaa in hawshaasi boqolkiiba boqol ay ku dhamaato si nabadgelyo ah”

wasiir Cabdilaahi Abokor waxaa uu ka hadlay Biriijka Burco o waxyeelo roobabkii ka soo gaadhay iyo tallaabada ay qaadayso wasaaraddu ee lagu dayactirayo,waxaanu yidhi.“Biriishka Burco waa xaqiiq oo waxyeelo waxa gaadhsiiyey roobabkii waaweynaa waxa la sameeyey daraasadii iyo sidii wax looga qaban lahaa markaa waxa aanu rejaynaynaa todobaadyadan soo socda inay u iman doonaan Injineeradii markaa imika daraasadii waxaa la sameeyey iyo sidii wax looga qaban lahaa waxaana la sii dayn doonaa kharashkii uu madaxweynuhu u ogolaaday markaa cidii wax ka qaban lahayd iyo Injineeradiiba waxbay ka qaban doonaan.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Baqdaadi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “arrinka wadahadal ayaa socda odeyaashii beesha uu ka soo jeedo Caarre iyo isaga laftarkiisii ayaa wada fadhiya markaa wixii ka soo baxa ayeynu sugi doonaa oo aynu ku go’aan qaadanaynaa”.

Guddoomiyaha oo arinta biriishka Burco ka hadlayey waxa uu yidhi “arinta biriishka Burco ee xidhan lacagtii ku baxaysay waa la ogolaaday waxaanan filayaa illaa labada todobaad ee soo socda in iyagana laga shaqayn doono”.

Guddoomiyaha Baanka dhexe waxaa kale oo uu ka hadlay lacagta Giimbaarta shillin Soomaaliga ah ee ka dhex shaqaysa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanu caddeeyay in lacagtaa ay ka bedeyalaan Laascaanood iyadoo uu sheegay in daraasadna ay kusoo sameeyeen imikana ay qorshaha ugu jirto in ay ka bedelaan taasoo uu tilmaamay in ay tahay arrin wax laga qaban karo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply