Xildhibaan Rayte oo ka Hadlay Heshiiska Xisbiyada iyo Saami Qaybsiga Wakiilada

0
564

Taleex (Dawan)- Maamulka, Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Xaysimo ayaa war saxaafadeed ay ku qabteen xarunta gobolkaa ee Taleex waxa ay kaga digeen deegaamayn ay maamulka Puntland iyo shacabkiisu ka wadaan deegaanka gobolkaa iyo xuduudihiisa.

Ugu horreyn Guddoomiye ku xigeenka gobolka Xaysimo Jaamac Ciise Degale oo shir saxaafadeedka ka hadlay ayaa waxa uu yidhi ”Waxaa jirta oo aanu anaga oo isugu jirna maamulka gobolka, cuqaasha iyo waxgaradka aanu ka digaynaa tallaabooyinka muddooyinkanba gobolka iyo nawaaxigiisa ay ka wadaan ganacsato, xoolo raacato, iyo xukuumada Puntland oo dabada ka riixaysa, deegaankaas oo ah dooxada Woow, iyo Bixin, iyaga oo ka sameeyey kaantaroolo iyo xidhmooyin ay ugu talo galeen in lagu xereeyo Geelal barqa maalks ah, waxa kale oo aanu ogsoonahay in madaxweynaha Puntland uu ku khudbadeeyey dhulkaas ayaanu oodaynaa oo seeraynaynaa, waxaanuna leenahay oo ka digaynaa talaabadaa in ay Puntland dib uga fiirsato, waana mid marag madoon ah in Puntland wax dal ah oo naga dhexeeyaa aanu jirin ama aanu wadaagnaa”

Gudomiye ku xigeenka ayaa intaa raaciyey ”Waxaanu Puntland halkan uga caddeynaynaa in uu dhulkaasi yahay mid leh xukuumad iyo ciiddan awood u leh inuu xuduudiisa sugo, anaguna uu maamul ahaan noo soo igmatay sidaa awgeedna la joogo wakhti dulqaadkii naga soo dhamaaday dawlad iyo shacaba, cawaaqib xumada ka dhalatana aan la wadaagi dooni ee ay noqon doonto mid Puntland gaar u ah” ayuu yidhi Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Xaysimo Jaamac Ciise Degalle.

Dhinaca Kale waxaa isagu ka hadlay shirka jaraa’id Cheif Caaqil Maxamed Cabdilaahi Xirsi Dawlad waxaanu yidhi ”Dhibkani maanta ma bilaabmin ee waa mid socday tan iyo mudadii Puntland la aasaasay, waana mid ku macnaysan gudinyahay imaad goyseene badhkay baa kugu jira, sidaa awgeed waa dano hoose oo dal riixa , waayo weligayo dhul aanu dhankooda inuu naga raacay aanu u tirsanayno mooyaane mid anaga majeerteen daalac noogu raacaa ma jiri jirin, mana aha wax u suurta gelaya, waxaanuna ka cuqaal ahaan ka digaynaa dhibka arrintaasu dabada ku hayso ee madhaxa u ah, waxaanuna leenahay sidii aad kal hore isu waansateen isu waansada oo dib nooga noqda xaaladan aad waddaan waa mid maraysa heerkii ay faraha ka bixi lahayde.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply