Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada oo Shaahaado Sharaf Lagu Maamuusay

0
413

Hargeysa (Dawan)- Ardayada shaqaalaha dawladda Somaliland ee waxbarashada heerka kowaad iyo heerka labaad (Bachelor Degree ‘Master Degree) ka soo dhameeyay jaamacada shaqaalaha dalka Ethiopia (Ethiopian Civil Service) ayaa shahaado sharaf ku maamuusay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Mudane Nuux Maxamed Xuseen.

Ardayadan ka soo qalin-jabisay jaamacada shaqaalaha dawlada ee dalka Itoobiya ayaa shalay loo qabtay munaasibad qado sharaf ah, taas oo uu ku maamuusay guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybne, isla markaana uu ka soo qaby galay Madaxwayne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somalilnad Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Ardaydan ayaa munaasibaddaasi uga mahad naqay cid kasta oo guushooda garab istaagtay iyo xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland oo dadaal dheerad ah galisay sidii ay u soo dhamayn lahaayeen waxbarashadaasi dalka dibadiisa ay ugu baxeen.

Dhalinyaradan ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Guddomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Nuux Maxamed Xuseen oo ay u garteen ka dib markii uu xil u magacaabay mid ka mida dhalinyaradan shaahadada Heerka Labaad ka soo dhamaysay jaamacada shaqaalaha dalka Ethiopia, waxaanay guddoomiyaha ku tilmaamen inuu yahay masuul karti iyo dadaal badani ka muuqdo, isla markaana uu dhiiri galin u sameeyay dhalinyarada aqoonta soo bartay, isla markaana uu yahay masuul ku dayasho mudan oo ka soo baxay waajibadkiisi shaqo ee ahaa sinaan iyo cadaalad in bulshada loogu adeego.

Gudomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Nuux Maxamed Xuseena ayaa inta badan kor u qaaday shaqada ay Guddida Qandaraasyadu u hayaan Qaranka oo Bulshada Inteeda Badani Mahadisay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply