Maamul-goboleedka Puntland waxay raad-raaceen oo intay sawirteen, isku dayeen inay dabbaqaan habkii iyo hannaankii ay dadka Somaliland u soo dhisteen Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ay wax badan ka faa’iideysteen, isla markaana xeyndaab ayey uga noqotay dawladniimada in Gobolka Majeerteeniya uu xarun u noqoto dhammaan budhcad badda iyo budhcadda Barrigaba.
Ujeeddooyinka loo dhisay Maamul-goboleedka Majeerteeniya waa midabbo badan yahay, balse hal ujeeddo oo ugu fadhiya ahmiyad ballaadhan oo dhinaca siyaasadda iyo mustaqbalka dembeba ah ayey ka lahaayeen reer Puntland ku dhawaaqistii Maamul-goboleedkooda, waxaana ugu muhiimsanaa in la curiyo oo six eel dheerna looga fikiro hab lagu wiiqi karo Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.
Markii laysku geegeeyey fikradihii kala duwanaa, waxa ay isla qaateen siyaasiyiintii reer Puntland, in wax kasta laga eego oo laga hormariyo danta dadka Gobolku halkay ku jirto, taas markay rogrogeena waxay si buuxda iskugu raaceen inay dantoodu ku jirto soo celinta midnimadii Somaaliya, maadaama la’aanteed cidda wax ku waayaysa ay usoo baxday inay iyaga oo kaliya tahay.
Intaa kadib, waxa kale oo uga soo dhex baxay kulannadii dhismaha Maamul-goboleedkooda oo ahaa kii ugu horreeyey ee laga sameeyo, in cidda qudha ee khatarta ku ah midnimadii Somaaliya, ay tahay Somaliland, sidaa darteed waxa ay isku raaceen siyaasiyiintoodu, in khariidadda Maamul-goboleedka lagu daro dhammaan degaannada Somaliland ee ay ku nool yihiin dadka ay isku heybta yihiin, si muran iyo khakhal nabadgalyo darro loo geliyo sharciyadda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Sannadihii ugu horreeyey ee dhismaha Maamul-goboleedkooda si cad afka ugumay dhufan jirin sheegashada dhulka Somaliland oo xuduudihiisu yihiin kuwa caalamiya oo la yaqaan, haseyeeshee waxa ay si fiican dibedda ugu soo baxday markay meelo ka mid ah gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana Tuka-raq oo ka tirsan Gobolka Sool ka sameysteen degaan iyo bar Kantarool oo ay wax ku cashuuraan.
Muddo badan ayey Mas’uuliyiintii u kala dembeeyey hoggaanka dalku isku dayeen inay arrintaa wada xaajood lagu dhammeeyo oo ay si nabadgalyo ku jirto uga baxaan maamulka Puntland dhulka Somaliland ee ay kusoo xagudbeen, hase ahaatee waxay jawaab celintoodii noqotay jabhadeyn iyo in kolba meel loo galo Ciidammada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa intaa usii dheer iyagoo mar walba qoraallo been ah markaaba u kala dira hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka daneeya arrimaha Geeska, taas oo ay ku xardhaan in Ciidammada Somaliland weerarro joogto ah ku hayaan.
Xukuumadda hadda haysa talada dalka ee uu hoggaamiyo Mudane Muuse Biixi, ayaa soo af-xidhay arrintii Tuka-raq oo dib ugu soo celisay gacanta Maamulka Gobolka Sool ee JSL, kadib markay Ciidammada Qaranka iyo Maleeshiyo beeleedyo laga kala keenay meelo kala duwan oo weerar ahaa isku haleeleen jiiddaas, ayaa waxa suurtagashay in jiidihii oo dhan laga saaro oo uu ka mid yahay degaanka Tuka-raq.
Illaa hadda sidaa kumay joogsan Maamul-goboleedka Puntland, balse waxa ay haddana rabshado iyo qalalaaso xasilooni darro ah ka abuureen meel ka mida Gobolka Sanaag, haseahaatee iyagana markay u badheedheen inay ku soo gardarroodaan xuduudaha dalka, ayaa waxa khasab ah in cid allaale iyo ciddii si nabadgalyo ah dib ugu noqon weyda meeshii ay ka soo duushay, in markaa Ciidammada Qaranka ee ku sugan aaggaasi gutaan waajibaadkooda Ciidan oo ay ka saaraan xuduudaha JSL.
Puntland sidaan qoraalka sare ku soo sheegnay ujeeddadoodu waa hal qudha oo ay ka mideysan yihiin illaa Taliska Muqdisho oo ah, in halkaa ka sii wadaan sii sheegashada dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama ay sidaa tahay, waxa ay mar walba u taagan yihiin kharbudaada amniga reer Somaliland, waxana u dembeeyey dhul ballaadhsiga ay reer Puntland oo isku dhan ganacsato iyo siyaasiyiinba kusoo qaadeen Gobolka Xeysimo, iyagoo xoog ku degaameystay Dooxada Woow iyo Bixin oo ay ka sameysteen degaan iyo bar kantaroolba.
Jamhuuriyadda Somaliland aqbali meyso in taako ka mida dhulkooda lagaga qaado sheegasho been-been ah iyo muran aan meel lahayn oo joogto ah, geesta kalena dadka iska leh degaanka ayaa iyana sida xeerka iyo dhaqanka Somaalidu yahay aan marnaba yeeleyn in dhulkooda si xeelad ama xoog ah looga qaado. Sidaa awgeed ha ku talo galeen reer Puntland in aanay geel iyo fardo toona ku dhaqan Karin dhul aanay lahayn, isla markaana aanay cashuur ku qaadeyn dhul aan kooda ahayn.
Waxa aanu leenahay Madaxda Puntland, waar nabad baa caano macaane iskaga hadha Jamhuuriyaddan oo aan ahayn mid idinka laydinka warramayo oo nala qaata nabadda, haddaad diiddaan oo aad ku socotaan qorshihiina ah, ku qabso ku qadi meyside, waxa dhici doonta mar in aanu dhinac walba jiidhno oo marka Garoowe ama Boosaaso midkooda laydinka qabsado aad idinku ku baryootami doontaan, [Wallaalayaal nooga baxa dib xaggiina usoo eegi meyno’e], dee waayo idinkaa hadda na baraya damaca ee sidaa ula socda.
Dawannews Hargeysa office