Maamulka Gobolka Maroodijeex iyo Dugsiyada Gaarka Loo Lee Yahay Oo Isla Qaatay Waqtiga Dugsiyadaasi Dib loo Furayo

0
510

Hargeysa (Dawan) Maamulka gobolka Maroodijeex iyo dugsiyada gaarka loo lee yahay, ayaa isla qaatay waqtiga kama dambaysta ah ee ay dib u furmi doonaan dugsiyadaasi, sida ay sheegeen xubno kamid ah guddida Dugsiyada gaarka loo lee yahay iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex oo kulan ku yeeshay magaaladda Hargeysa.

Ugu horeyna waxa goobta kulanka ka hadlay Cabdiraxmaan Khayre oo ku hadlaayey afka Guddida Dugsiyada Gaarka loo lee yahay in ay isla qaateen iyaga iyo wasaaradda Waxbarashada Somaliland in dugsiyadaasi la furo 10-ka bishan.

Waxa isna dhinaciisa halkaasi hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi oo sheegay in ay iyaga iyo dugsiyada gaarka loo lee yahay isla qaateen in dugsiyaadaasi dib loo furo 10 bishan oo ah waqtigii ay hore Wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku go’aamisay.

Waxa kale oo uu balanqaaday Badhasaabka gobolka Maroodijeex in ay wixii Khilaaf ah ee jira ay dhamaystiri doonaan, iyada oo la raacaayo shuruucda iyo xeerarka dalka u yaala, waxaanu u mahadceliyey maamuleyaasha iyo Guddida dugsiyada gaarka loo lee yahay sida ay ula qaateen go’aankaasi ay wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku hore u gaadhey.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply