“Waa Hadal Daciif ah, Kuna Xun in Xisbi Mucaarad ah Warbaahinta Ka Buunbuuniyo” Mr. Cabdinaasir Axmed Xirsi, Wasaarada Arrimaha Dibedda

0
841

Hargeysa (Dawan):- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mr Cabdinaasir Axmed Xirsi ayaa sheegay in Wasaaradu hawlaheedii hayso, indhahii caafimaadka qabaana arkayaan, isla markaana, deedafaysay hadal Xisbiga Waddani ku sheegay in hawlaheedii hoos u dhaceen, kuna tilmaantay kuwo aan loo meel deyin.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Mr Khadar Xuseen Cabdi oo dhowaan shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in hawlahii wasaarada Arrimaha Dibeda uu si dadban ula wareegay Wasiirka Maaliyada Dr Sacad Cali Shire.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibedda, Mr. Cabdi oo ka jawaabay hadalka Xisbiga Waddani ayaa ku tilmaamay kuwo daciif ah, kuna xun in xisbi mucaarad ah warbaahinta ka buunbuuniyo, isagoo yidhi,

“Runtii, arrintaasi waa wax lagu qoslo, waana laga fiican yahay in Xisbiga mucaaradka ee Waddani oo aanu aad u ixtiraamayno, inay wax aan sagaaro ka biiqayn, oo aan macno weyn ku fadhiyin ay dadka ku jahawareeriyaan.

Mr Cabdinaasir, Ag Guud ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaarada Arrimaha Dibedda hawlaheedii si buuxda u hayso, isagoo yidhi,

“Xaqiiqatan, Wasaarada Arrimaha Dibeddu shaqadeedii iyadaa haysata. Shaqada ay wadanka u haysana waa mid laga wada dheregsan yahay, indhaha caafimaadka qabaana arkayaan, in lagala wareego iska daaye, mudadii Wasiirka cusub Md Yaasiin Xiir Faratoon xilkeeda hayey waxa muuqata wufuuda faraha badan ee dalka yimi, socdaalada lagu kala bixiyey caalamka, meeqaamka iyo sharafta wadankeena u soo hoyatay ee madaxdeena lagu soo dhoweynayey, oo ugu horeeyo Madaxweynaha JSL meel kastoo uu tago, waxaa oo dhan waxay muujinayaan heerka sare u kaca hawlaha wasaarada arrimaha Dibedu Qaranka u hayso siday u socdaan.” Ayuu yidhi Ag Cabdinaasir, isagoo raaciyey,

“Wasaarada Arrimaha Dibeddu maaha, siduu moodayo, hay’ad qof ku dhisan, waa wasaarad balaadhan shaqaale leh, safiiro leh, shaqada ay haysaana, runtii meel kasta wadanka ay ka muuqato, nasiibdarro ayaa u arkaa in arrin aad u jaban uu la golle yimaado masuulka u hadlay Xisbiga Waddani.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Arrimaha Dibedda Mr Cabdinaasir oo wax laga weydiiyey wada hadalka Soomaaliya iyo mowqifka Somaliland ayaa sheegay in JSL diyaar u tahay inay wada xaajood dhab ah gasho, isagoo yidhi,

“Xaqiiqada jirta waxa weeye, xubnaha ay magacaabeen waa geed kaga kac. Wax la aqbali karo ma ahayn sida ay u magacaabeen iyo dadka ay ku soo dareen oo la ogyahay taariikhda ay wadankan Somaliland ku leeyahiin, qaabka ay u magacaabeen iyo hadafka ay ka leeyahiin labaduba waxay muujinaysaa sida aanay daacad uga ahayn wadahadalo si saraaxad ah ay u galaan.” ayuu yidhi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply