Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Hoggaamiyeyaasha Dhaqanka Hawiye

0
550

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Mudane Maxamed Xasan Xaad.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Hawiye oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey.

Guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Mudane Maxamed Xasan Xaad ayaa Madaxweynaha ku ammaanay talaabada uu ku dhiiraday ee uu ku cafiyey maxaabiista “Waxa aanu Madaxweynaha Somaliland uga mahadcelinaynaa sida uu ugu dhiiraday, maadaama ay muddo badan raggani xidhnaayeen, xukuumaddo badana ay soo mareen, madaxweynuhu wuu ku dhiiraday isaga oo sharciga u eegaaya ayuu cafiyey maxaabiistan, waanan uga mahadcelinaynaa” ayuu yidhi.

Madaxda dhaqanka ee beelaha Hawiye, ayaa shalay u ambo baxay dalkoodii Hooyo ee Soomaaliya, iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska ku sii daayey, kuwaas oo muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii sagootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan. Kulanka xalay waxa madaxweynaha ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha qaranka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply