Golaha Wasiirrada oo ka Dooday Saami Qaysbiga Doorashada Wakiillada

0
403

Hargeysa (Dawan)- Kal-fadhigii 39-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa goluhu ku bogaadiyey heshiiskii saddexda xisbi qaran ku soo afjareen khilaafkii doorashada Golaha Wakiillada iyo deegaanka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed soo gaadhay Wargeyska Dawladda ee Dawan, oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyadda Somaliland. Waxa kale oo lagu sheegay in warbixin lagaga dhegaystay guddi uu goluhu kalfadhigii aan caadiga ahayn ee isniintii todobaadkii hore loo xil saaray inay ka soo talo bixiyaan arrimo la xidhiidha qoddobadan:-

Xidhiidhka beesha caalamka iyo Jamhuuriyada Somaliland.

La macaamilka hay’adaha UN-ka iyo kuwa caalamiga ah. Ganacsiga iyo maalgashadayaasha shisheeye. Guddidaas oo warbixintooda goluhu bayaan ku soo saari doono kalfadhiyada danbe.

Sidoo kale golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay saami qaybsiga doorashada wakiillada, waxaanu goluhu isku raacay in wada tashi balaadhan lagala yeesho cida ay khusays.

Ugu dambayn waxa goluhu bogaadinayaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ee dalku ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, waxaana ka go’an xukuumada qabsoomida doorashada oo xiligeedii ku dhacda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply