Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Dood Ka Yeeshay Xeerka Macdanta Somaliland

0
486

Hargaysa (Dawan) Fadhigii Golaha Wakiilada ee shalay oo shirguddoominayay Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa Mudanayaasha Golahu dood ka yeesheen Xeerka Macdanta Somaliland oo dhawaan Xukuumadda u soo gudbisay.

Mudanayaasha Baarlamaanka oo ku kala fikir duwanaa dooda Xeerka Macdanta Somaliland ayaa waxa ay ku doodeen in xeerka Macdanta lagu cadeeyo sida Shirkadaha u ilaalinayaan deegaanka laga baadhayo macdanta, waxaana ay intaasi ku dareen in lagama maarmaan tahay in lagu cadeeyo xeerka Macdanta Mabaadiida siyaasiga ah ee lagu hayo Macdanta.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa waxa uu ku dooday in macdantu ka wada dhaxayso umadda oo dhan. waxaana uu yidhi “Macdantu waa inaga wada dhaxaysaa ama gobal halaga helo waa inaga wada dhaxaysaa, waa in la xoojiyo doorka ay ku yeelanayaan umadda danaynaysa Macdanta, dawladu waa in ay heshaa xaqeedii shirkada Macdanta qodaysaana xaqeeda ha hesho waana in xeerkan Macdanta lagu cadeeyaa awooda uu ku leeyahay dadka dagan deegaanka Macdanta la qodayo, shirkadaha danaynaya Shirkaduhu in ay daneeyaan xeerkan waa waajib ayay ku tahay, waana in aynu ka ilaalino xeerkan Mandanta,”.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte ayaa waxa uu ku dooday in xeerka Macdanta muhiimad u leeyahay dalka loona baahanyahay in wax laga waydiiyo dadka aqoonta u leh macdanta. waxaana uu yidhi “Waa xeer muhiim u ah, waana loo baahnaa in xeerkan Macdanta wakhtigan laynoo soo gudbiyo waana xeer farsamo lana mid maaha xeerka Arimaha Bulshada, waana xeer aad u balaaadhan runtii waxaana macdanta aqoonteeda iyo hawlaheedu waa inagu cusub yahay. waxaana loo baahanyahay in dad khubaro ahi golaha yimaadaan oo warbixino inaga siiyaan, taas oo ku sahabsan macdanta, waana aynu u baahanay in aynu la soo baxno Macdanteena waana in laga feejignaadaa in dhibaatooyin inooga yimaadaan Macdanta waa in xeerkan ay la socotaa mabaadiida siyaasiga ah ee lagu hagayo xeerkan Macdanta”.

Sidoo kale Xildhibaan Faarax Maxamed Cali ayaa waxa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in xeerkan Macdanta uu damaanad qaado badbaadinta deegaanka laga baadhayo Macdanta. waxaana uu yidhi “Arinta ku sahabsan in la ilaaliyo deegaanka Macdanta laga baadhayo oo uu u badbaado, waana in xeerka Macdanta uu damaanad qaado sida deegaanka loo badbaadinayo, waana in lagu cadeeyaa xeerka sida horumar loogu samaynayo dadka deegaanka ee laga baadhayo Macdanta waxaana loo baahanyahay in ka gole ahaan la tashano dadka aqoonta u leh macdanta”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply