Taliyaha Qaybta Booliska Sool oo ka Hadlay Nabad Gelyada Gobolka iyo Dad la Xidh Xidhay

0
883

Laascaanood (Dawan):- Xerada buurta Sayidka ee magaalada Laascaanood oo uu ka dhaw yahay fadhiisin ay ciidamada qaranka Somaliland ku leeyihiin ayaa habeen hore koox dablay ahi rasaas meel fog kaga soo rideen, isla markiibana waxaa jawaab ka bixiyay ciidanka qaranka Somaliland.

Rasaasta ay kooxda dablayda ahi soo ridday ayaanay jirin cid wax ku noqotay iyo wax qasaare ah oo ay gaysatay.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Axmed Cabdilaahi Cabdi ayaa ka hadlay rasaasta dablaydu ay soo ridday iyo dad uu sheegay in tuhunno arrintaa la xidhidha loo qabtay.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Axmed Cabdilaahi waxaanu meesha ka saaray in ay jirto wax qasaare ah oo ay rasaastaasi geysatay.

Taliyaha oo arrintaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Goobta aniga ayaa tegay oo soo eegay, xerada millatariga dusheeda ayey ahayd, meeshii aan tegayna sadex qori ayaan qasharkooda ku arkay, qaarna waxay na waydiiyeen dad ayaa dhintay iyo laascaanood waxbaa ka dhacay, balse magaalada Laascaanood gudaheeda waxba kamay dhicin, xerada milatariga dusheeda ayey ahayd aniga ayaa istaagay, qofka wax kale sheegayaa ha sheego laakiin gobolkan annaga ayaa amnigiisa ka masuul ah oo waxba kamay dhicin.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Dad tuhun loo hayo oo arintaas loo tuhmayo oo xidhan ayaa jira, taasna ciidanka dembi baadhista ayaa gacanta ku haya oo baadhis ayaa ku socota, ciidanka booliskuna ka fadhiisan maayo amniga waana waajibaad saaran in dalka iyo dadkaba loo adeego oo aanu nafta iyo dhiigaba u hurno.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply