Wasiirka Caddaaladda oo ka Hadlay Mashaariic Laga Fulinayo Badhan

0
475

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaarada Caddaaladda Somaliland Mudane Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa shalay ka warbixiyey Mashaariic horumarineed ee Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu amray in laga hirgliyo Gobollada Bari ee Waddanka, gaar ahaan Sanaag iyo Badhan.

Wasiirka Caddaaladda oo ka hadlay socdaal uu dhawaan uu ku tagay Gobolka Badhan iyadoo uu xusay in aanay jirin wax mashruuca oo ka fulay gobolkaasi, gaar ahaan magaalada Badhan amarka madaxweynaha ka hor.

Wasiirka Caddaaladdu wuxuu sheegay in shalay ay shirkado waddani ahi ku kala guulasteen mashaariic xukuumaddu ka hirgalinayso gobollada Sanaag iyo Badhan, waxaanu xusay inay dawladdu daba-geli doonto siday mashaariicdaasi u hirgalaan.

Wasiirka Caddaaladdu wuxuu sharaxaad kooban uu ka bixiyey goobaha ay mashaariicdaasi laga hirgalinaayo oo ay ka mid yihiin; degmooyinka Laas qorey, Dhahar, Xiin-galool, Ceel-buh, Badhan iyo Yubbe, waxaanu intaas ku daray in mashaariicdaasi ay iskugu jireen horumarinta adeegyada bulshada.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply