Wasaaradda Caafimaadka oo ku Dhiirri Gelisay Hooyooyinka Naas Nuujinta Carruurta

0
508

Hargeysa (Dawan):- Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah u furay todobaadka naas-nuujinta Somaliland, ayaa faah faahin ka bixiyay qiimaha Ilmaha ay u leeyaday naas nuujintu iyo sida ay u tahay shay diiniyan ah oo loo baahan yahay in ilmuhu helo naas nuujin ku filan taas oo u caddeeyay in ilmaha iyo hooyadaba uu caafimaadkoodu ku jiro.

Waxaanu intaa raaciyay sida loogu baahan yahay in loogu baraarugsanaado naan nuujintu in ay tahay sida ugu wanaagsan ee ilmaha lagu illaalin karo caafimaadkiisa.

Agaasimaha guud oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Marka laga hadlayo carruurta dunida soo koraysa iyo carruurta dunida oo dhanba waxaa la sheegaa in carruurta ugu badan ee geeriyota oo malaayiin gaadhaysa sannad walba cudurada ay u dhintaan waxaa ugu badan shubanka, carruurta aan naaska la siinin waxaa aad ugu badan shubanka, waxaanay taasi sababtaa in ay carruur badani u dhintaan shubankaas. Waxaana ugu badan carruurta u dhinta cudurada shubanku keeno carruurta aan naaska la siinin, way dhici kartaa carruurta naaska la siiyay in ay ku dhacaan cuduradaasi laakiin waxaa uga dhaw oo uga halis badan carruurta aan naaska la siinin. Innagoo ka mid ah dalalka dhaqaalahoogu hooseeyo isla markaana cudurada shubanku ay ku badan yihiin isla markaana ay carruur badani kaga lee’ato waxaynu shubanka kaga hor tegaynaa naas nuujinta iyadoo ay adag tahay inta ilmuhu naaska oo keliya uu qaadanayo in cudurada shubanku ay ku dhacaan,haddaba ka wasaarad ahaan waxaanu dhiiri gelinaynaa in naas nuujinta aynu kaga hor tagno cudurada shubanku.keeno wanaanan kaga hir tegaynaa naas nuujinta oo ah hubkaugu weyn ee aynu kula dagaalamayno shubanka.”

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo ka qayb galay furitaanka todobaadka naasnuujinta oo si rasmi ah uga bilaabmay Somaliland, ayaa ku dar daaray dhammaan goobaha shaqo in laga helo loona sameeyo goobo ku habboon naas-nuujinta.

Waxaanu si gaar ah farriin ugu diray goobaha shaqo ee gaarla loo leeyahay, waxaanu yidhi. “Markaan eegay warbixinta halkan ku taalla ee lagaga hadlay meelaha ku habboon naas nuujinta waxaa lag sheegay meelaha ku habboon naas-nuujinta boqolkiiba 20. Ayay leeyihiin goobo ku habboon naas nuujinta laamaha dawliga ahi, halka lagu qeexay warbixinta hay’addaha gaarka loo leeyahay in boqolkiiba hal keloya ay leedahay meel ku habboon naas-nuujinta markaa waxaan farriin u dirayaa meelaha gaarka loo leeyahay oo aan leeyahay oo goob ku habboon ha loo sameeyo naas-nuujinta.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply