Wasiirka Maaliyadda oo Iftiimiyay Hannaanka Dawladdu Cashuurta ugu Fuliso Adeegyada Dadweynaha Bulshadana Farriin u Diray

0
466

Hargeysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay dawladdu ugu adeegto dadweynaha iyo cashuurta ay ka qaado dadweynuhu halka ay ku baxdo.

Waxaanu ka codsaday wasiir Dr. Sacad in bulshadu ay iska bixiso cashuurta, si dawladdu ay u fuliso adeegyo badan oo bulshada wax loogu qabto.

Waxaanu caddeeyay in dawladdu dhammaan adeegyada ay dadweynaha u qabato ay ka fuliso cashuurta dadweynaha iyadoo uu iftiimiyay in dawladda Somaliland aanay caawimo toos ah ka helin beesha caalamka.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxaa uu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay Tv-ga Universal.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire isaga oo arrimahaa sharraxayana waxaa uu yidhi “Dawladdu waa hay’add adeeg bixiye oo laga maarmi waayay, dawladduna waxay ku shaqeysaa adeegana ay ku qabataa cashuurta ay ka qaado shicibka, cashuuruhu waa laba nooc midna waa cashuur toos ah, midna waa mid dad ban, cashuurta tooska ah waxaa laga qaada dakhliga qofka, kuwa dadbanina waa kuwa laga qaado qofka ee laga qaado waxaa uu iibsado ama waxaa uu soo saaro, mana cusba ee waa mid soo jireen ah, dakhliga cashuuraha ina soo gala boqolkiiba shan iyo toban waa cashuuraha iibka, laakiin cashuurta iibku waxaay ku dhacdaa inta badan allaabta dibedda laga keeno oo kastamka ayaa lagu qaadaa, marka waddanka la soo gallo adeegyadda qaar way bixiyaan oo waa laga qaada, sida Huteeladda oo kale waa ay bixiyaan waana cashuur soo jirtay, kaliyana waxaa cusub in cashuurta laga qaado adeegyadda laydhka iyo telefoonadda”

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaa ku daray “Wax alaale wixii adeeg ah ee xukuumaddu qabato cashuur ayaynu ku qabanaa innagu deeq ama kaabis miisaaniyaddeed ma hello, caalamku waxaa uu innaga caawiya mashaariicda qaarkood ama biyo ha noqoto ama caafimaad ha noqoto ama waxbarasho ha noqoto laakiin mishiinka dawladdu ku socota waa cashuurta laga qaado dadka, cashuurta dadka laga qaado haddii aynu u qaybino saddex qaybta ugu badan oo ah boqolkiiba sagaal iyo afartan waa mushaharka macalinka, dhakhtarka, ka kalkaaliyayaasha, booliska, ciidanka milateriga, waana dadkaasi u adeegaya bulshada mushaharkooda, boqolkiiba ilaa sagaal iyo sideetana waa waxyaabaha hawsha lagu socod-siiyo ama laydh ha noqoto, ama dayactir ha ahaato ama biyo ha ahaate, inta kalena waa mashaariic oo sanadkasta soddon ilaa afartan mashruuc ayaa looga qoondeeya in miisaaniyadda looga sameeyo waxaanan bulshada ka codsanaya in qof waliba wixii cashuur kaga waajibtay uu soo bixiyo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply