Guddoomiyaha Buuhoodle oo si Adag Ugu Jawaabay Maamulka Puntland

0
477
SONY DSC

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha gobolka Buuhoodle ee Somaliland Mustafe Xaaji Cabdi Muuse ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn ay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya u jeedisay Somaliland, taas oo ah in hay’addaha gargaarku ay soo mariyaan wixii loogu tallo gallay Buuhoodle Somaliland oo aan waxba lagaga qaban.

Gudoomiyaha gobolka Buuhoodle ee Somaliland Mustafe Xaaji Cabdi Muuse isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Ninka yidhi waxaan ku magacaabanahay gudoomiyaha gobolka Cayn ee Puntland Cabdirisaaq Xaaji Xasan, ‘Wuxu yidhi gobolka Buuhoodle Somaliland waxaa ay u aaminsan tahay degmo’ taa waxaan ka leeyahay waa war aan sal iyo raad midna laheyn sidii dawladdii Daahir Riyaale gobol ugu magacowday ilaa hada waa gobol, qodobka labaad Cabdirisaaq wuxuu yidhi ‘Inay u mudahraadaan caawimada iyo waxyaabaha ay bixiyaan beesha caalamku waxaa ay soo maraan Somaliland boqolkiiba sagaashan, taasina waxaan leeyahay boqolkiiba sagaashan sababta loo mariyay waa ka tirsanaanta Somaliland iyo danta ka dhaxeysa Somaliland ayaa wax loo mariya, hadii adiga boqolkiiba toban lagu soo mariyo adiga iyo maamulka heydinka muuqato, mudo gaaban ayaanu xafiiska joogney hawlahana waanu wadna wixii wax-qabad ahna imika gacanta ayaanu ku heynaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply