Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo Sheegay In Awoodaha Madaxweynaha Ay Ka Mid Tahay In uu Saamaxo Maxaabiista Budhcadbadeedka

0
527

Hargaysa (Dawan) Garyaqaanka guud ee Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa sheegay in Mdaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay awoodihiisa ka mid tahay cafiskii uu fidiyay ee lagu sii daayay Maxaabiistii u xidhnaa falalka budhcadbadeedka ee laga soo wareejiyay dalka Scheles.

Cabdisamad Cumar Maal oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in isfaham dhex maray wadamada Somaliland iyo Scheles lagu soo wareejiyay budhcadbadeedkii la sii daayay, waxaana uu intaasi ku daray in xukunka lagu xukumay budhcadbadeedkaa uu ugu badnaa afar iyo labaatan sanno.

Cabdisamad Cumar Maal oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maxaabiistii la sii daayay ee loo hayay falalka budhacadbadeednimo waxa laga soo wareejiyay dalka Scheles, waxaana loo soo wareejiyay dalka Somaliland, waxaana jiray heshiis isfahama oo ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Scheles oo ku saabsanaa soo wareejinta maxaabiista Budhcadbadeedka kuwaa aynu aqbalnay in lagu hayo xabsiyadeena waxaana loo raadinayay maxaabiistaa meel isku dhaqan diin iyo luuqad ay yihiin. waxaana ugu badnaa oo lagu xukumay 24 sanno oo xadhiga markaa xeerka wareejinta maxaabiistu waxa uu sheegayaa in Madaxweynuhu ku leeyahay waajibaadka uu ku leeyahay muwaadiniinta kale oo sida ku qeexan cafiska dastuurka qodobka 90aad faqradiisa 5aad, markaa dastuuriyan maxaabiista la soo wareejiyaa madaama oo Madaxweynuhu awood u leeyahay maxaabiisteena kale in uu cafiyo ama xabsiga ka dhimo oo xeerka xabsiyadu sheegayo sidaa si la mida ayay yeelanayaan maxabiista la soo wareejiyaa, waxaana toos u qeexay xeerka wareejinta maxaabiista. Xukunkooda rasmiga ahi waxa uu ahaa maxaabiistaa budhacadbadeedka ee la sii daayay 18 sanno, 20 sanno iyo 24 sanno waa intan dhawaan la sii daayay, 40 sanno, sagaal maxbuus oo xadhiga dhamaystay hore ayay uga baxeen”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply