Wargeys Talyaaniga ka soo Baxa oo Qiray Dedaalka Somaliland Gelisay Qorshaheeda Aqoonsi Raadinta

0
505

Hargeysa (Dawan)- Wargeyska L’INDRO oo ka soo baxa dalka Talyaaniga, ayaa warbixin dheer ka qoray dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, qoraalkaas oo uu ciwaan uga dhigay “Somaliland iyo Somalia: Laba dal oo Mataanno ah oo muddo dheer iska soo horjeeday.”

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xigatay Wargeyska L’INDRO oo ka warramay sidii ay 1960-kii u midoobeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, burburkii midowgaas iyo marxaladihii ay soo mareen labada dal, kuwaasi oo ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.

Waxa kale oo uu ka hadlay sidii kaligii taliyihii Siyaad Barre u waxyeeleeyey reer Somaliland, isla markaana dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba u go’doomiyey ummadda Somaliland.

Wargeysku inkasta oo uu taabacsanaa Soomaaliya, waxase uu qiray in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal muhiimad weyn u leh dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta. Waxa kale oo uu intaas ku daray in dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Kenya ay cilaaqaad ganacsi la samaysanayaan Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo aan haddana weli ictiraafin.

Warsidaha L’INDRO wuxuu xusay in shacabka Somaliland ay ku nool yihiin nabadgelyo buuxda, kuna tallaabsadeen horusocod dhaqaale oo aan ka jirin Soomaaliya oo dhibanne u noqotay dagaalo sokeeye.

Joornaalku wuxuu caddeeyey in Maraykanka, Qarammada Midoobay iyo midowga Afrika ay dedaal weyn geliyeen Soomaaliya hase yeeshee aanay wax nabad ahi ka dhalan Soomaaliya.

Wargeysku wuxuu ka hadlay sida ay u kala fogaadeen Somaliland iyo Soomaaliya iyo dagaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee u dhexeeya labada dhinac, waxaanu intaas raaciyey in cidda qudha ee wadahadal midho-dhal ah u qaban karta Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay Midowga Afrika oo kaashada Qarammada Midoobay iyo dalalka Midowga Yurub.

Ugu dambeyntii, Warsidaha L’INDRO wuxuu caddeeyey in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay kordhisay dalabkeeda aqoonsi raadinta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply