Waxbarashada waxa lagu tilmaamaa waxyaabo badan, haseyeeshee hal qodob oo ugu muhiimsan ee soo koobi kara dhammaan tilmaamahaas, waa in ay tahay aasaaska furaha nolosha aadanaha oo dhan, waxa ay dalalka dunida ee hormarka gaadhay ku gaadheen Waxbarashada oo ay xoog iyo xoolaba isugu geeyeen dhismaheeda, nidaamka maamulkeeda, tayadeeda iyo tiradeedaba.
Waddanka uu liito dhaqaalihiisu ee ka fikiraya xagga horumarinta Waxbarashada, waxa uu marka hore ku dadaalaa sida uu u dejinayo, una aasaasayo Waxbarasho tayo leh oo ay ka soo baxaan dad xambaarsan aqoon tayeysan oo wax ka beddeli karta nolosha bulshada iyo ta dalkaba.
In la soo saaro tiro badan oo arday ah, waxa ay u baahan tahay in la helo dhaqaale, waayo waxay saldhig u tahay heiltaanka shaqo ee ardayda tirada badan ee soo dhammeysatay Waxbarashada illaa heer Jaamacadeed, balse haddaan dalku lahayn awood dhaqaale waxa u fiican marka hore inay ku dadaasho oo intii awooddeeda ah xoogga saarto horumarinta tayada Waxbarashada.
Dalka Jamhuuriyadda Somaliland markii dib looga xoreeyey Taliskii Siyaad Barre 18kii 1991kii ee dib boodhka looga jafay dugsiyadii dawladda ee isugu jiray Hoose/Dhexe iyo Sare ee laga diiwaangeliyey ardayda, waxa ay kow ka ahayd guullihii marxaladda dawladnimo ee JSL.
Waxa ku xigay guulo kale oo dhinaca Waxbarashada oo la gaadhay xilligaas, waxana ka mid ahaa in dugsiyada dawladda oo ahaa kuwa qudha ee ka jira dalka, in waxbarashadu ka bilaabatay iyadoo saqafka sare ee Dugsiyadu wada qaawan yihiin, sidoo kalena ardaydu ku fadhiisato daasadsadaha Caano boodhaha iyo Jaajuurradii kasoo daatay guryihii madaafiicda lagu dumiyey, waxa intaa sii dheeraa Macallimiintii dugsiyada wax ka dhigayey xilligaas oo iyana ballanqaaday in aanay wax u dhigista carruurtooda ku qiimeyneyn oo aanay barbar dhigeyn inay helaan Mushaharkooda.
Haddaba, waxa ay Wasaaradda Waxbarasho waqtigaa qaadatay go’aanka aan sare ku soo xusnay ee ahaa in la furo dugsiyada mid saqaf sare leh iyo mid aan lahaynba, arday kastaana uu ku fadhiisto wax allaale wixii uu ku fadhiisan karo. Waxa uu ka tarjumayey go’aankaasi qiimaha ay Waxbarashadu u leedahay dadka iyo dalkaba. Ardaydii soo dhammeysatay Dugsiyada sare ee duruufahaa wax ku dhiganayey, gaar ahaan kuwii nasiib u yeeshay in qoysaskoodu u diraan Waxbarasho dibedeed, waxay ka mid noqdeen kuwa ugu fiican markii laga qaaday imtixaankii loogu gudbayey heerka Jaamacadda. Sidoo kale tayada Waxbarasho ee ardaydii soo dhammeysatay Dugsiyadii sare ee waqtiyadii 1991-1997 waxay ay ka tayo fiicanaayeen kuwa hadda ee kasoo baxa Jaamacadaha heerka kowaad.
Goorma ayey wax isbeddeleen? Tayadii Waxbarasho ee heerkaa fiican taagneyd iyadoo aanay waqtigaa weli saldhigin dawladnimadu, ayaa waxa dalka ka furmay dugsiyo Hoose/Dhexe oo ay furteen dad gaar ahi, kuwaas oo ku bilaabmay si qaab darran oo Ganacsi kaliya ku saleysan yahay fikirkoodu. Geesta kale Wasaaradda Waxbarashada oo markaa laf ahaanteedu la daalaa-dhaceysay teedii, ayaa waxa seegay inay markiiba u dejiso shuruucdii ay ku hagi lahaayeen dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ka furmay dalka oo weliba inta ka horreysana xaddidaan furitaanka Dugsiyada gaarka, isla markaana kantaroolaan tayadooda Waxbarasho oo la mideysan Manhajka waxbarasho ee dawladda.
Dugsiyadii Waxbarasho ee gaarka ahaa waxay goosteen dhammaan xadhkihii iyo qiimihii ay lahayd Waxbarashadu, waxayna taagan tahay maanta inta ay wax kasta oo kale soo dhaaftay, in ardayga Waalidkii ay ku qasbaan inuu u iibiyo ilmihiisa xaashida imtixaanka, iyagoo horena uga qaddintay bishii ilmo kasta $ 30-35 [Soddon illaa shan iyo soddon], isla markaana qasab kaga qaadaan lacagta bilaha Dugsiyada la fasaxo oo ah mid xaaraan cad iska ah.
Hadda intii muddo ah waxa ay Wasaaradda Waxbarashadu awoodda saartay sidii ay wax uga qaban lahaayeen, una toosin lahaayeen dugsiyada gaarka ah oo loo tiriyo inay yihiin kuwa tirtiray tayadii iyo qiimihii Waxbarashada Somaliland, waxana ugu dembeeyey go’aankii ay Wasaaraddu ka qaadatay xilliga furitaanka Dugsiyada dalka, iyadoo muujisay Wasaaraddu awooddeeda dhinaca toosinta iyo horumarinta Waxbarashada, isla markaana raaceysa xeerarka u dejisan Waxbarashada dalka, ayey ku guuleysatay in hal waqti la wada furo Dugsiyada dalka. Hal marna la wada fasaxo, hal manhaj Waxbarasho oo ah ka dawladdana laga wada dhigo dhammaan dugsiyada Waxbarasho ee dalka.
Waxa kale oo waajib ku ah Wasaaradda Waxbarashada. Inay dib u eegis ku sameyso lacagta billaha qaddimaada ah ee ay Mulkiilayaasha Dugsiyada gaarku ka qaadaan waalidiinta ee Doollarka ee weliba marka ay doonaan kordhiyaan. Waxa kale oo iyana dib u eegis u baahan Dugsiyada wada [Al- ] ku bilaabma oo u badan kuwa la kaalmeeyo oo dhulka ay dhisteen lagu siiyo mucaawino iyagoo ku andacoonayey inay carruuraha agoomaha u dhisayaan, una keenayaan macallimiin oo hadda lacagta ay qaadaan ka badan tahay kuwa kale, waxana sii dheer in direyskii lagu soo caawiyey qasab lagaga iibiyo ardayda dhigata.
Arrimahan iyo kuwa kale oo badan oo dhex hoganaya gudaha Dugsiyada gaarka, ayaa waxa lagama maarmaan si loo hagaajiyo tayada Waxbarasho ee dalka, in Wasaaraddu laxaadkeeda isugu geyso toosinteeda, kuna dhiirato inay u sheegto waqtigan inaan loo baahneyn tiro ee loo baahan yahay tayo Waxbarasho, sidaa awgeed in aan dib loo oggolaan fasal aradaydiisu ka badan tahay 30 Arday, iyadoo laga eegayo xagga Caafimaadka iyo tayadaba.
Dawannews Hargeysa office