Wasaaradda Waxbarashadda oo Iska Difaacday Dhaliil Uga Timid Xisbiyadda Mucaaradka ah

0
437

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland ayaa iska difaacday eedo uga yimid xisbiyadda mucaaradka ah oo sheegay in aanay wasaaradu lahayn manhaj midaysan oo ay dugsiyadu ku hawl galaan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay shalay wasaaradda waxbarashadda Somaliland kaga jawaabaysay arrintaasi oo nuqul ka mida uu soo gaadhay wargeyska DAWAN ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi ay wasaaradda u jeediyeen siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyadda Waddani iyo UCID.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa lagu cadeeyay in wasaaradu 28-kii sanadood ee ay Somaliland jirtayba uu maalin-ba maalin ka sii horumarayay manhajka waxbarashadda Somaliland.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland waxay aad iyo aad uga xun tahay, hadaladda dhawaan ka soo yeeshay xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID iyo xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI.

Kuwaasoo sheegay in aanu dalku lahayn Manhaj waxbarasho. Waxaana ayaan-darro ah in xisbiyo qaran oo u tartamaya, hogaaminta qaranka, ay ilaa xadkaas war-moog ka yihiin, hawlaha wasaaradda waxbarashada iyo Manhajka qaranka-ba.

28-kii sanadood ee Somaliland jirtay, maalin kasta Manhajka qaranku marxaladd ayuu soo marayay, maalin walba-na wuxuu qaadayay horumar bar-bar socda ka qaranka.

Waxaana ILLAAHAY (SWT) mahadii ah in maanta manhajkeenu marayo marxalad wanaagsan oo aynu inaggu daabacnay buugagta manhajka, ee dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare inta-ba, isla markaana ay xukuumadda taladda dalka haysa ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ay lacag la’aan ku gaadhsiisay buugagtaas Manhajka dugsi kasta iyo degaan kastoo Somaliland ah.

Wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku waxay dalka oo dhan uga wakiil tahay waxbarashada, waxaanay leedahay siyaasadd waxbarasho, xeerrar iyo xeer-nidaamiyayaal ay ku hagto waxbarashada dalka.

Sidaasi darteed, sida labadaas xubnood ee afka xisbiyadda mucaaridka ah ku hadlayay sheegeen in ay waxba kama jiraan tahay, in marka uu qof dibadda ka yimaada. Marka uu dalka ku soo laabto uu iska furto dugsi la Manhaj ah dugsigii uu iska furtay”.

War-saxaafadeedkani ayaa ugu danbayntii waxay wasaaradu ugu baaqday xibsiyadda mucaaridka ah in ay iska hubiyaan xaqiiqadda waxa ay ka hadlayaan, isla markaana aanay siyaasadaynin waxbarashadda.

“Ugu danbayn, waxaan ugu baaqaynaa in xisbiyadda mucaaridka ahi ay iska hubsadaan xaqiiqada waxa ay ka hadlayaan, isla markaana ay ka dheeraadaan wax aanay waxba ka ogayn.

Waxa kaloo aanu asxaabta uga digaynaa in ay siyaasadeeyaan waxbarashada ubadkeena, maadaa ay waxbarashadu tahay adeeg bulsheed oo dhammaanteen xil inaga wada saaran yahay” ayaa lagu soo geba gabeeyay war-saxaafadeedkaasi ka soo baxay wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply