Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Shaqaaqadii Ceel Afweyn

0
512

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka hadlay shaqaqadii dorraad ka dhacday deegaanka Ceel-afweyn kaasi oo dablay hubaysan ay dad shacab ah ku laayeen goob kaalin shidaal ah, waxaanay Xukuumadda Somaliland sheegtay in halkaa ay ku geeriyoodeen Todoba ruux oo afar ay haween yihiin.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa war-saxafadeed qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in Ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaanu sheegay inuu socdo hawl-gal lagu baadi goobayo hadhaaga dablaydaasi iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku adkeeyay inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga.

Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka Ceel Afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga. Waxaanu tilmaamay in Xukuumadda Somaliland aanahy marnaba ma aqbalaynin dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ciidamada ammaanka ku amray iyaga oo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni darro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweyne ku xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiintii ku geeriyootay Ceel-afweyn oo dhammaa Todoba ruux oo afar ay haween yihiin.

Iyadoo Ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaana socda hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga dablaydaasi iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga.

Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka Ceel Afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga. Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amrayaa ciidamada ammaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply